|

Khasaarihii Dhawaan Ka Dhacay Xaramka Oo Dusha Laga Saaray Shirkadda Ben Laden Iyo Qiimaha Mag-dhawga Laga Bixin Doono Qofkasta Oo Waxyeello Gaadhay

Makah:Sep,16,2015(SDN/QJ)-Waxa Maxkamad ku taalla Dalka Sucuudigu ay Gudo gashay ka garnaqidda khasaarihii ka dhacay Xarakamka, waxana ay Hakisay Hawlihii shirkadda Ben Laden ay ka wadday Halkaas, kadib markii ay dhinteen Xujay Gaadhaysa 111-xaji oo dalal kala duwan ka kala yimi.

carashMaxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in isha lagu heyn doono dhamaan mashaariicda ay shirkadani wado ee dhismaha la xidhiidha, sidoo kale waxaa la joojiyey in wax mashruuc cusub ah lasiiyo shirkadan inta uu dhamaanayo baadhitaanka socdaa.

Xog horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Wiishkii kusoo dhacay Masjidka aan si sax ah loo rakibin, isla-markaana dabaylo xoogleh ay sababeen inuu soo dhaco. Xiligaasi oo uu magaalada Makka ka da’ayey roob wata dabeylo xoogleh, waxaana la sheegay in Danab uu ku dhacday Wiishka soo dhacay.

Xukunka Maxkamada Sucuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mulkiilayaasha iyo mareeyayaasha shirkada Bin Ladin Group aanay ka bixi karin dalka Sucuudiga inta uu baadhitaanku socdo.

Dadka ku dhintay shilkii Masjidka ayey maxkamaddu u go’aamisay in lasiiyo lacag magdhaw ah oo gaadheysa 1 milyan oo riyaal oo u dhiganta in ka badan $230.000 dollar qofkiiba. Sidoo kale dadka uu soo gaadhay dhaawaca culus oo ee noloshooda curyaamin kara ayaa iyaguna loo xukumay magdhaw dhan 500.000 riyaalka Sucuudiga.

Magdhawyadan ayaa waxaa sidoo kale ansixiyey Boqorka Sucuudiga Salmaan oo booqday dadkii dhaawaca kasoo gaadhay shilkaasi, wuxuuna Boqorka Sucuudiga intaasi raaciyey in dhamaan qoysaska dadka ka dhinteen labo qof oo kamid ah ay Boqortooyada bixin doonto Xajkooda sanadka danbe.

Waxaa la filayaa in marka uu soo dhamaado baadhitaanka socda ay Maxkamada dalkaasi ay xukun ku ridi doonto shirkada Bin Ladin Group oo ah shirkada ugu weyn ee dhismaha ee dalalka Bariga dhexe, shirkadaasi oo ah tan dhista mashaariicda ugu waaweyn ee dhismaha dalka Sucuudiga oo uu ku jiro Masjidka Xaramka.

Shirkadan oo xidhiidh dhow la leh Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa aasaasay Aabihii dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida Osama Bin Ladin oo isaguba hore uga soo noqday shirkadaasi maareeye, walow ay qoyskiisa iska fogeeyeen aragtidii Osama Bin Ladin iyo kooxda Al Qacida.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

 

Comments are closed