|

Dawlada Somalia oo Gudaha Somaliland Xafiis ka Furatay Iyo Dhaawaca ay u Gaystay Bayaankii London

Buuhoodle, 15 Sep 2015 (SDN/QJ)-Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay xafiis rasmiya ka furatay gudaha Somaliland, xafiiskan ayaa qaabilsanaan doona dhinaca socdaalka iyo bixinta baasaboorada Soomaaliya.

Buuhoodle Office
Xafiiskan ayaa laga hirgeliyey magaalada Buuhoodle taas oo uu daaha ka rogay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh. Dhacadadan ayaa noqonaysa farogelintii ugu horraysay ee dawladda Soomaaliya ay doonayso inay ku hirgeliso nidaamkeeda Federaalka si ay u xaqiijiso gacan ku haynta dhulka ay sheegato oo Somaliland ku jirto.

Qorshahan dawladda Soomaaliya ay qaadday ayaa si qaawan uga horimanaya qodobadii ka soo baxay shirkii London ee sannadkii 2012 kaas oo horseeday inay wada hadal furaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana qodobada shirkaas ka soo baxay saldhig u ahaa inay wada-hadlaan Xukuumadda Somaliland oo metelaysa Xuduudda Somaliland iyo Xukuumadda Federaalka oo metelaysa dhulka Somaliya, tallaabadaasi waa tan ka hor istaagtay maamul goboleedada fara badan ee Soomaaliya inay soo farogashadaan guddiyada wada hadalada ka qaybgelaya.

Qorshahan ayaa bilaw u ah hindiseyaal xidhiidhsan oo lagu taageerayo cid kasta oo ka soo horjeedda nidaamka Somaliland isla markaana lagu soo gaadhsiinayo dhulka Somaliland, nidaamka federalka, qorshayaashan waxaa baal socda cadaadis la saarayo hay’adaha samafalka inay toos ula macaamilaan kooxda Khaatumo, taas oo ay ka wada shaqaynayaan Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, Wasiir Jengeliga duulista u qaabilsan Somaliya iyo Madaxda ururka Khaatumo. Qorshayaashani kuma koobna oo keliya dhinaca furista xafiisyada hase ahaatee waxaa baal socda dhaqaale lagu kabayo maleeshiyaadka u dagaalama kooxaha ku sugan deegnadaas, iyo in dhinaca warbaahinta laga taageero dadka ku kacsan Somaliland si loo helo cod midaysan oo ka soo horjeeda Somaliland, waxaana ku jirta in la adeegsado warbaahin kala duwan.

Xafiiska dhinaca Socdaalka Qaabilsan ee laga yagleelay magaalada Buuhoodle, xataa ma waafaqsana nidaamka ay u dhisan tahay dawladda Federalka ah ee Xamar, taas oo dastuurkoodu ogol yahay oo keliya 18 gobol, hase ahaatee aanu aqoonsanayn gobol Cayn la yidhaahdo, waxaana tani sawir ka bixinaysaa heerka qorshahani gaadhsiisan yahay, Gobolka Cayn waa gobol ay Somaliland magcawday xaruntiisuna ay tahay magaalada Caynaba.

 

Comments are closed