|

“Koox Dadka Iyo Dalka Cadha U Qabta Ayaa Taladda Haysa, Markaa Waa In Loo Midoobo Sidii Looga Hor Tegi Lahaa”

Hargeysa, 15 Sep 2015 (SDN/QJ)-Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay wareejinta haamaha kaydka shidaalka ee magaaladda Berbera, isla markaana waxay shacabka u soo jeediyeen in ay ilaashadda hantida umadda ka wadda dhaxaysa, waxayna sidaa ku sheegeen shirjaraaid oo ay ku qabteen magaaladda Hargeysa, isla markaana waxay sheegeen in xaaladda dalku meesha ay warayso ay tilmaam ugu filantahay wixii ka dhacay golaha wakiiladda.

“Xaaladda guud ee dalka marka aynu eegno waxaa tilmaam inoogu filan wixii Golaha wakiiladda ka dhacay. Golaha wakiiladda isagoo gudoomiyihii fadhiyo ayuu gudoomiye ku-xigeenkii ku qabsadday, oo baarlamaanku marka uu halka fadhiyo xisbi maaha oo waa golihii wakiiladda oo shacabka oo dhan ayay wakiil ka yihiin, gudoomiye ku-xigeenku wuxuu yidhi wixii kulmiye-ahoow aniga idiin gudoomiye ah, inta kale yaa u gudoomiye ah , yacni taasi waxay ku tusaysa in halkii ugu sarraysay ay caynkaa tahay, ta ka saraysanna aynu ognahay caynka ay tahay, xaaladda dalkeenu halkaasay maraysaa.”Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “ Imika farrinta aanu diraynaa waxa weeye, xukuumad aanu la hadlaa ma jirto, dadkan dhibaato taalla oo aanay ogayn oo aan u sheegayaa ma jirto. Ta kaliye ee aan odhanaya waxa weeye, umad yahay cid aad ku halaysaan wixii aad lahaydeen ma jirto, xeer inoo xadeeya inta aynu samaysayno, waar waxeena inoo ilaaliya oo nin waloow halka aad fadhido ilaali oo masuuliyadeedu aday ku saaran tahay, reer berbera iyagay saaran tahay.”

Sidoo kale, waxaa shirka jaraaid ka hadlay Maxamed Xaashi Cilmi oo beenayaal ku tilmaamay xildhibaanadda yidhaahda Madaxweynuhu sharcigaa u siinaya “Sharci odhanaya cid gaar ah ha la siiyo ma yaallo, kuwan baarlamaanka ka hadla ee yidhaahda Madaxweyne sharcigaa siinaya waa beenaalayaal, qodobka 12-aad ee ay soo qaataan waa shan qaybood, qayb qudhaa ka hadasha Madaxweynaha iyo xukuumaddu waxay awood u leeyihiin in ay kiran karaan, iibin karaan. Laakiin waa xilima, waa marka dadka loo bandhigo ee loo siman yahay ee tandharkiina la galiyo, kolka tandharkiina waa laga talaabsanayaa, waxa nasiibdarro ah nimankii kitaabka gacanta saaray ee baarlamaanka iyo xukuumaddu waxay kitaabkii ku iloowbeen wixii kal baa xukuumadu doonayso.”ayuu yidhi Maxamed Xaashi. Waxa kale oo shirkaa ka hadlay Axmed Jawhari iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan madasha wada tashiga. “koox dadka iyo dalka cadha u qabta ayaa taladda haysa, markaa waa in loo midoobo sidii looga hor tegi lahaa waxay wadaan.” Ayuu yidhi Jawhari.

Comments are closed