|

Budhcad Xalay Gashay Suuqa Ganacsiga Sunrise ee ku Taallo Xaafadda Islii ee Nairobi – DAAWO SAWIRRADA

Nairobi,15sep,2015(QJ/SDN)-Suuqa ganacsiga Sunrise Shopping Mall oo ka mid ah Xarumaha Ganacsi ee ku yaallo jidka sagaalaad ee xaafada Eastleigh (Islii) ee Nairobi, ayaa wali xiran kadib markii xalay ay galeen koox tuugo ah oo looga shakiyay iney horay oga shaqeyn jireen suuqaas.

Marwo Jawaahir Mohamed oo ah Wakiilka Golaha Deegaanka ee Galbeedka Xaafada Islii, ayaa Hiiraan Online u sheegtay in ilaalada suuqaas ay ku war galiyeen xalay saqdii dhexe in koox burcad ah ay gudaha ugu jiraan suuqaas. Waxeyna intaas ku dartay in ciidamada amaanku ay goobtaas gareen abaaro 2AM ee xalay.

 

Dhanka kale, Wariye Mohamed Hassan Mohamud (Ota Dheere) oo ka tirsan Idaacad ku taallo meel u dhow dhismahaas, ayaa isagana HOL u sheegay in uu arkay ciidamo fara badan oo xiray, wadada koowaad ee xaafada saaka aroortii xiligii uu shaqada galaayay

 

Wariye Ota Dheere, ayaa intaas ku daray in nin ka tirsanaa xoog-satadii suuqaas saaka laga soo saaray gudaha xaruntaas xili uu dhaawacnaa, wuxuuna sheegay in rag kale oo looga shakiyay iney ka tirsanaayeen xamaaliyaasha suuqaas oo tuugo ah; ay wali ku jiraan qeybta sare ee suuqaas.

 

Suuqa Sunrise oo ka kooban goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin Dukaamo fara badan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu iibiyo dharka iyo kabaha ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla Laanta Bangiga Chase Bank ee Xaafadda Islii iyo Weliba Xarunta Waxbarashada Compit oo arday badan ay wax ka bartaan.

 

Si kastaba ha ahaatee xaafada Islii oo shacab badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin, ayna sidoo kale ku leeyihiin Ganacsiyo xoogan, ayaa waxaa mararka qaar ka dhaco Falal Amni-darro ah oo lagu dhaco hanti badan, iyadoo Dowladda Kenyana ay marar badan sheegtay in ay wax ka qaban doonto ammaan xumida ka jirto xaafadaas.

 201591563577888859988896212000097_983234161698344_2137207651_nn 201591563577888879363884412007041_983234171698343_1256244223_n 201591563577888895332602512025495_983234165031677_662613471_n 201591563577888914379444112033783_983234131698347_1499834849_n 201591563577888935988767812028919_983234155031678_1550817731_n2 201591563577888965457487112033380_983234175031676_2115307678_n

Xigasho: HOL

Comments are closed