|

Qarax lagu xidhay Gaadhi uu watay nin Injineer ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,15sep,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku Geeriyooday ruux kale oo ahaa ninkii Injineerka ahaa ee gaariga watay ayaa ku dhaawacmay Qarax goor-dhow ka dhacay Xaafadda Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho.

 ???????????????????????????????

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray baabuurkan uu watay Injineerka oo ahaa Soomaali, iyadoo aan la ogeyn cidda ku xirtay Qaraxa gaarigan, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda Weerarkan.

Goob-jooge ku sugan goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ku xiran gaariga, uuna ahaa mid xooggan, isagoo xusay inuu arkay maydka hal qof iyo dhaawac mid kale oo gaariga saarnaa.

“Waxaa mar qura maqalnay Qarax weyn, markii aan dibadda u soo baxnayna waxaan aragnay gaariga Qarxay oo uu lahaa nin Injineer ah oo Soomaaliyeed, isagii wuuu dhaawacmay, qof la socdayna wuu ku dhintay,” ayuu yiri ruuxaan goobjoogaha ah ee la hadlay Warbaahinta.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, iyadoo aysan jirin cid ay u qabteen, welina hay’adaha Ammaanka aysan ka hadlin Qaraxan.

Ugu dambeyn, ma ahan Qaraxan kii ugu horreeyay oo Magaalada Muqdisho ka dhaca, iyadoo dhowr jeer qaraxyo noocan oo kale ah oo khasaare badan geystay ay ka dhaceen, kuwaasoo qaarkood ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

 XIGASHO; HIIRAANONLINE

Comments are closed