|

Reer Yurub oo ku gacan seyray qaabilaada qoxooti dheeraad ah

Brussels Sept 15,2015(SDN/QJ)-Madaxda midawga Yurub ayaa markii u horeysay shir ka yeeshay sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe mideysan oo lagu wejaho qoxootiga tiro belay ee qaaradaa isku shubayay bilihii u danbeeyay.

Shirkan reer Yurub ayaa lagu eegay dalabaad caalemi ah oo qaaradaa loogu jeediyay in ay koru qaado tirade ay qorsheysatay in ay qaabisho.

Baarlamaanka ree Yurub ayaa soo jeediyay in dawlada qaaradu ay dib u dejin u sameeyaan ilaa 160 kun oo ruux.

Xubnaha midawga Yurub ayaa kulankoodii shalay ku gacan seyray soojeedintaa, sidoo kale waxa la isku fahmi waayay qeybsashada qaxootiga.

Si kastaba ha ahaatee dawladaha Austria, Hungry  iyo Serbia ayaa sheegay in ay ciidamo dhigayaan xuduudahooda si aaney qaxootigu dalalkooda uga gudbin dalka Germany oo todobaadkii ina dhaafay ay iska dhiibeen in ka badan 40 kun oo ruux.

SDN/QJ-Brussels

contact@qurbejoog.com

Comments are closed