|

Maayir Cabdiraxmaan-Solteco Oo Si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Dhismaha Sariibada Cusub Ee Suuqa Waaheen

Hargeysa, September 14, 2015 (SDN/QJ) –Maayirka Caasimada Cabdiraxmaaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray Sariibada hal-bowlaha Caasimada Hargeysa ee WAAHEEN.

Xafladii loo sameeyey Xadhig ka jarida oo lagu qabtay Sariibadan Cusub badhtamaheeda ayaa waxa ka soo qeybagaly Maayirka Caasimada Cabdiraxmaan-SOLTECO, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Hogaanka iyo masuuliyiinta Iskaashatada Hiliblayaasha ee NAFAQO,haween iyo marti sharaf kale.

Cabdiqaadir Axmed Muxumed Iyo Mustafe Maxamed Cismaan oo ka tirsan Iskaashatada hiliblayaasha ee NAFAQO ayaa ku bogaadiyay Maayirka Caasimada Hargeysa dhismaha Sariibada Waaheen ee Suuqa Magaalada Hargeysa.  “Sariibadan Waaheen uu noo dhisay Maayirka Caasimada Hargeysa waxay markii hore ahaan jirtay meel fool xun oo laga yaaco, Sida quruxda baddan ee uu noogu dhisay aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinaynaa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo uu hogaaminayo Maayirka Caasimadu Cabdiraxmaan-SOLTECO”Sidaa waxa yidhi Mustafe Maxamed Cismaan.

Koos Xasan Yuusuf oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Maayir waxaad noo sameysay wax lagu soo hirto oo waxaad noo dhistay Sariibadaa quruxda baddan, annaga oo gaadhayna dhowr kun oo qof. Markaa Maayir Waddooyinkii Sariibada ayaa naga xidhan oo meel ay baabuur noo soo gasho ma jirto ee waddooyinka noo fur”.

Guddoomiyaha Iskaashatada Hiliblayaasha ee NAFAQO Gurey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Horta maanta waa noo farxad, Maayir waxaan hambalyo kaaga sidaa 13-kii Sariibadood-ba. Sidaa wanaagsan ee aad yeeshay waan kugu hambalyaynaynaa. Waynu ogayn markii hore sidii ay Sariibaduhu ahaayeen, Maanta bilicdii Caasimada kor ayaynu u qaadnay, iyo faya-dhowrkeedii – cid wax noo qabatay oo aan adiga (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo wax noo qabatay ma jirto,”

“Maayir waxaan kugu hambalyaynaynaa sida wanaagsan ee aad noola shaqeysay, 13-ka Sariibadood wixii aynu dayactir ku sameynayno ee aad noo balanqaaday wixii ka dhiman nala qabo.Waxaan ku faraxsanay sida ay Faadumo Faarax u shaqeysay maalin qudha may fadhiisan oo way shaqeynaysay.”.Ayuu yidhi Gurey.

Agaasimaha waaxada arimaha bulshada dawlda hoose Khadar Yuusuf Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta farxad weyn ayay noo tahay, maadama aanu ku guuleysanay dhismaha Sariibadii hal-bowlaha u ahayd Caasimada Hargeysa, oo muddo dhismaheedu socday.Maayirku isaga oo dayactir ku sameynaya dhamaan Sariibaha oodhan ayaa waxa uu Proposalo u gudbiyay Hay’adaha…. Sariibadani waxay ka kooban tahay Afar boloog, markii ay hay’ada FOA ay laba boloog dhameystireen dhismahooda ayay u suurageli-weyday, inay raaciyaan labadii boloog ee kale. Maayirku waxa go’aansaday inuu labadii Boloog ee kale inuu isagu dhiso.”

Xildhibaan Axmed Daahir iyo Xildhibaan Timacade oo ka mida  Mudanayasha Golaha Deegaanka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si isku mida u sheegeen inay ku faraxsan yihiin dhismaha Sariibaddan quruxda baddan, iyaga oo kula dardaarmay inay dadku ilaashadaan.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha Sariibada Waaheen, isla markaana waxa uu kula dardaarmay inay ilaashadaan.

“Waxaan idin leeyahay Sariibadan nadaafadeeda iyo nabadgelyadeedaba ilaaliya, waddooyina Sariibada ee xidhan inaga oo isku wada dhan ayaynu dhameynaynaa. Dib loo arki maayo qof hilibla oo dibada fadhiya.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-SOLTECO.

Comments are closed