|

Baashe Maxamed Faarax Oo U Jawaabay Suldaan Sabayse Iyo Cali Guray Kana Halday Dagaalkii Dhex Maray Isaga Iyo Cabdiraxmaan Cirro.

baashe maxamed faaraxHargeysa,14sep,2015(QJ/SDN)-Gudoomiye xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada somaliland ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedo uga yimid sulaadiin iyo siyaasiyiin, waxaana uu yidhi

“Cali Guray hadalku ku hadlay ma ahayn mid qof masuul ah ama shakhsi miyir qaba ku hadlo, gabadh garcatay iyo fawaaxishkii uu ku maah maahaayay, wax aan anigu ku hadli karo ama ii cuntama maha, ninka dhaqanka sodoga iyo seedinimada kala garanaaya ayaa loo jawaaba lakiin Cali Guray jawaab ma mudnee wuxuu inaga mudanyahay in la daweeyo oo caafimaadkiisa laga takuleeeyo, waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in aan Aniga oo Baashe ah (Guddoomiye ku-xigeenka Wakiila) aan bixin doono lacagta ugu horeysa ee Mujaahidkaas dhakhtar loogu diraayo waliba Akoon   (Account) xisaabeed ayaan u furayaa kaas oo aan idin soo sheegi doono, in badan ayaa Cali Guray lagu daawaday suuqyada iyo shaaracyada halka uu hadda marayaana maha meel lasii eegan karo, marka Cali Guray intaas u dhaafi maayo, waayo Cali Guray wuxuu ka soo jeeda reero Xurmo iga mudan.”

 

Guddoomiye ku-xigeenka Wakiilada oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi.“Cayda iyo Aflagaadadu Cali Guray kuma koobnayn, waxaan arkaayay nin Suldaan sheeganaaya oo isna rer Hargaysa ah oo wixii uu ku hadlaayay bulshada Somaliland ay yaab iyo amakaag ka qaadeen, runtii qiimaynta Suldaankaas caytamay waxaa igaga filan bulshada anigana waxba iiga tagi maayaan, waxaanse odhan lahaa uun, Suldaan ama Garaad ama Madax dhaqameedku milgo iyo karaamo ayay la haan jireen, xishood iyo akhlaaq ayaa jiri jirtay halkay hadda Somaliland marayso  haddii sidan aynu isu dhaami weyno oo qaabkan hadda laysu sii caayo wax ka-xun oo ah dhaqan guur, karaamo darro, iyo ummadda oo milgihii lagu yaqaanay meesha ka baxo ayaa iman doona taas ha la ogaado, Xukuumaduhu way tagayaan lakiin dadka iyo dhaqanku ma tagaayo Maanta sidan ay tahay haddii aynu jecel nahay iyo hadaynu necebnahayba maha wax ummaddi ku sii noolaan karto. Siyaasadda waa lagu kala duwanaada waana lays dhaliila waana lays badeli karaa, ceeb maha lakiin waxay inaga (Somaliland) hadda inaga maraysa meel aad u xun oo halis ina galin doonta. Markaan sidaa leeyahay anigu iska hadli maayo lakiin in aynu daawano inagoo 70-jiro ah caayaha noocaas ah maca Islaamnimadeeni ayaa khatar ku jirta”.

 

Ugu Danbayntii Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo aanu waydiinay siduu u arko dagaalkii dhexmaray Guddoomiyaha Wakiilada iyo dareenka bulshadu ka muujisay wuxuu yidhi. “Dagaalkaas waanigii hore uga hadlay waanu ka raali galinaynaa shacabka iyo Golahaba, raggii maanta dagaalami lahana ma nihin, lakiin marka khalad dhaco waa in si caadalad ah khaladka looga garnaqaa in Guddoomiyuhu markuu isagu doonana daqiiqado xeerar ku mariyo markuu diidan yahayna hoosta dhigo taasi hoggaamin saxa maha, intaanu isku qabanayna waa intaas.

 

Oodweynenews

Comments are closed