|

Wiilka Madaxweynuhu Soddogga u Yahay Ee Baashe Cawil Iyo Wafti Imaaraati ah Oo Uu Wato Oo Maanta Daah Furi Doona Mashruuca Muranku Ka Taagan yahay Ee Buurta Gacan-libaax

Hargeysa:Sep,14,2015(SDN/QJ)-Wiilka uu madaxweynuhu soddoga u yahay ee dhawaan loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaraadka iyo Wefti dhawr xubnood ah oo uu hogaaminayo Maxamed Kit oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee qasriga madaxtooyada dalka  Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa shalay socdaal ku yimi dalka, isla markaana wuxuu weftigan UAE ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera.

eerSida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda weftigaa Imaaraadka ka socda waxa ku qaabilay madaarka Berbera  wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Gobolka saaxil. Weftigaa oo la geeyay xarunta madaxtooyada ee Berbera, waxa ujeeddada safarkooda ka hadlay sida lagu sheegay war saxaafdeedkaa, Baashe cawil  oo yidhi;  “Ujeedadu waxay tahay ka war haynta wixii ay ka qabteen baahiyihii madaxweynaha Somaliland u gudbiyay madaxweynaha imaaraadka carabta markii uu la kulmay iyo intii aan ka safiir ahaan joogayba wixii aanu ka codsanay ee ay ka mid ka ahaayeen, baaqii abaaraha iyo biyaha oo hada si wanaagsan uga socda goobo badan oo dalka ka mida, sidaa awgeed ayuu madaxweynaha imaaraadku u soo wakiishay sarkaalkan ka tirsan madaxtooyada imaaraadku inuu soo indha-indheeyo, isaga oo kula noqon doona dalkiisii wixii ay ina tareen inay shaqeeyeen iyo in kale.”

Weftigan ayaa warkaa lagu sheegay inay  maalmo ku sugnaan doonaan dalka, lana filayo inay soo kormeeraan goobo dhawra. Wakiil Baashe Cawil wuxuu sheegay in weftigan Imaaraadku ay eegi doonaan wixii ay Somaliland tareen siday u shaqeeyeen, balse ma sheegin faahfaahin muujinaysa laxaadka waxtarka Imaaraadka,meelahay wax ka tareen Somaliland, siday u baxeen gaar ahaan dhinaca abaaraha iyo dhinacyada kaleba.

Inkastoo warkaa madaxtooyadu sidaa ugu magac bixiyay ujeedadda socdaalka weftigan, haddana siday iftiimiyeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, waxa la tilmaamay in ujeeddada ugu wayn ee socodka sarkaalkani tahay inuu soo eego goob dhacda deegaanka buurta gacan libaax oo xukuumaddu u qorshaysay wasiirka madaxtooyada ee UAE Sheekh Mansuur, isla markaana la tusmeeyay inuu ka dhisan doono dhismayaal. Xogahaasi waxay intaa ku dareen in qorshuhu yahay in ay maanta halkaa wadajir u booqdaan weftiga Imaaraadka, oo uu horkacayo wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo ee wakiilka uga ah Somaliland Imaaraadka, lana filayo inay wehelin doonnaan masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan. Warku wuxuu intaa ku ladhay in qorshuhu yahay in weftiga  hadhimada loogu diyaariyo halkaa. Xogguhu waxay intaa raaciyeen, in Sheekh Mansuur u soo wakiishay sarkaalkan oo wasaaraddiisa ka hawlgala inuu soo arko goobtaa iyo deegaankeeda oo la sheegay inay dhacdo deegaanka Bookh ee buurta gacan libaax, oo lagu qiyaaso dhul balac ahaan ilaa 8kiiloomitir ah, dherer ahaanna ilaa 10 kiiloomitir ah, isla markaana lagu sifeeyay dhul daris ah, biyo qabatin leh, buurta dusheeda ah, xilligii dawladdii soomaaliyana mar loo qorsheeyay in seere laga dhigo, kana mid ah deegaanka dalxiiska ku wanaagsan ee buurta gacan libaax. Dhanka kale bogcadan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dhul jiiddaa ka tirsan oo hay,adda candle light hore uga shaqaysay  kana samaysay barnaamijyo basaastir ahaa oo dibu loogu soo celinayay quruxda dabiiciga ee gacan libaax.

Tagtadii dhawayd markii jiritaanka qorshahani soo if baxay, waxa isa soo tarayay dhawaaqyo ka soo yeedhayay dadka deegaanka oo u dhacayay, in aanay waxba kala socon waxa socda, isla markaana laga tala geliyo waxa ka socda deegaankooda. Shirar aan natiijo ka soo bixin oo dadka deegaanku ka yeesheen mashruucan ayaa iyana xogguhu tibaaxeen inay hore u dhaceen, balse lagu kala aragti duwanaaday. Sidoo kale waxa xogguhu tibaaxeen in isla arrintan uu ka hawl galay wakiil maalqabeenkaa carbeed u joogga halkan oo u qaabilsan mashruuca dhinaca biyaha Hargeysa ee dawladda Imaaraadku maalgelisay, kaasoo la sheegay inuu shalayna ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay weftiga.  Dhanka kale wakiilka Somaliland ee UAE Baashe Cawil oo shalay gelinkii hore ka tegay magaalada Hargeysa, weftigana ku soo dhaweeyay Berbera, ayaa xoguhu tibaaxeen inuu diiday tallooyin ka yimi dhinaca odayaasha saaxil oo loo gudbiyay, kuwaasoo nuxurkoodu ahaa, si loo abuuro kalsooni dadku ku soo dhaweeyaan barnaamijkaa in aanuu isagu waqtigan u hor kicin weftiga deegaanka Bookh sababo la xidhiidha yaraynta khilaafka dadka dhexdiisa oo aan helin wacyi gelin buuxda oo la xidhiidha mashruucan darteed. Xogahaasi waxay tilmaameen in markii hore uu aqbalay, balse uu markii dambe ka laabtay sheegayna in arrinku mid dawladeed yahay, isla markaana uu isagu gayn doono halkaa. Waxay xogguhu intaa ku dareen  in la filayo inay  kaxaysan doonnaan  illaalo xoog leh.  Hase yeeshee ma jiraan xoggo madax banaan oo la xidhiidha tibaaxahaa oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso.

Qiiqa dabka mashruuca wareejinta haamaha shidaalka ee sababay isku dhicii masuuliyiinta golaha wakiiladda iyo guud ahaan barnaamijkaa wareejin raadiska ah ee haaamaha oo dad badani u tirinayaan inuu qayb ka yahay wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyana saamayn ku yeelan karta mashruucan kale ee buurta gacan libaax oo aan ilaa hadda si cad bulshada loogu soo bandhigin.

 

Xigasho:Wargeyska Ogaal.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed