|

Orodyahan Mo Farah Oo Markale Guul Taariikhi ah Gaadhay

London:Sep,14,2015(SDN/QJ)-Orodyahanka caanka ah ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse u orda dalka Britain Mo Farah, ayaa guul kale oo taariikhi gaadhay, kadib markii uu tartan la galay  orodyahanka u   dhashay dalka Kenya  orod ka dhacay Waqooyiga dalkaasi Ingiriiska.

moTartankan oo ahaa mid weyn ayna ka qeyb galeen kumanaan daawadayaal ah, ayaa wuxuu Mo Farah 59-daqiiqo iyo 22 sekan ka guuleystay Stanley Biwott oo ahaa ninkii la tartamayay.

Guusha Mo Farah ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee British ah isla markaana dhigay rikoor cusub kaddib markii ka gudbay Nus Maradoon.

Dhinaca kale Maxamed Faarax ayaa dhowaan ku guuleystay orodka 5000-mt iyo 10,000-mt tartankii ciyaaraha fudud ee ka dhacay magaalada Beijing dalka Shiinaha.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed