|

Booliska Somaliland Oo Tababarro Dhinaca Ka Hortagga Rabshadaha ah Ka Heli Doona Dhinaca Dawladda Ethiopia

Addis Ababa:Sep,14,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ethiopia, ayaa ciidamada Booliska Somaliland ugu ballanqaadya Tababarro dhinaca Qalabka ah iyo Hannaanka looga hortago rabshadaha dhaca, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

qaayQoraalkan oo ku qornaa Luuqadda Afka Ingiriisida oo lagu faafiyey Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku leedahay Facebook-gga,, ayaa lagu sheegay in wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde uu magaalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Ethiopia Shiferaw Teklemariam iyo saraakiil sare oo ka tirsan booliska Itoobiya, iyadoo labada dhinac ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay in tababaro loo fidiyo ciidanka booliska Somaliland.

Qoraalka ka soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, dhigiisa dawladda Fedaraalka Itoobiya oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Shiferaw Teklemariam iyo saraakiil sare oo booliska Itoobiya ah, ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Addis Ababa.

Wasiirrada ayaa ka wada-xaajooday sidii sare loogu qaadi lahaa, loona kobcin lahaa tababarka ciidanka booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladda Itoobiya waxay tababaro buuxa siin doontaa booliska Somaliland, iyadoo si gaar ah looga taageeri doono dhinaca qalabka iyo habka looga hortago rabshadaha kala duwan.

Labada wasiir, ayaa sidoo kale  ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha ammaanka ee labada dal, waxaanna jiri doona shir ballaadhan oo lagu qaban doono dalka Itoobiya, kaasoo khuseeya xidhiidhka isaga kala gudubka xadka labada dhinac, ammaanka iyo tahriibka Somaliland iyo Itoobiya.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed