|

Mareykanka oo Warbixin ka soo saaray wada hadalada Madaxda Somalida ee Magaalada Kismaayo

Muqdisho,14sep,2015(QJ/SDN)-Mareykanka, ayaa wuxuu si weyn u taageeray wada hadalada maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ku yeesheen Madaxda Dowladda Somaliya & Maamul Goboleedyada.

USA

Dhinacyadan, ayaa waxay Sabtidii Magaaladaasi kaga qaybgaleen munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taasina ay sahashay in kulamo la isugu keeno.

 

Bayaan uu soo saaray Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo wada hadalada, ay Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada ku yeesheen Kismaayo, iyagoo markaasi ka wada arrinsanaya wixii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ee Dowladda.

 

Bayaanka, ayaa waxaa lagu cadeeyay in lagama maarmaan ay tahay wada hadalo laga yeesho hiigsiga sanadka 2016, si loo helo wado lagu wada qanacsan yahay, oo Somaliya kaga gudubto habraaca marxaladda kala guurka ee sanadka ina soo aadan.

 

Mareykanka, ayaa cadeeyay in uu sii wadi doono taageerada uu siinayo Somaliya, isla-markaana uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo hannaanka dowladnimo ee Somaliya.

 

Dowladda Mareykanka waxay ku baaqaysaa in la sii wado wada hadalada ay yeelanayan Madaxda Somalida, iyadoo markaasi la hiigsanayo sanadka soo socdo iyo sidii horey loogu socodsiin lahaa Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

 

Bayaankan, ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday go’aankii uu Khamiistii ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland, ee ahaa in 10 Xildhibaano lagu soo dari doono Baarlamaanka Jubbaland, si loo qancinayo beelaha cadaalad darada ka sheeganaysa Jubbaland.

 

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay shir wada tashi, oo sida ay sheegeen 20-ka bishan ka qabsoomi doona Magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa la fillayaa inay ka wada qaybgalaan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Comments are closed