|

Xukuumadda Iyo Tijaartii Oo Ku Shuraakoobay Boobka Hantida Qaranka Oo Xaalufinaya Dantii Guud!!!. Mawliid Axmed Jibriil

“Nina dhismihisuu kugu dhabar jabay nina dheef buu kugu dhabar jabay”

Mawliid-Al-Nuur

laba nidaam (System) ayaa dhaqaalaha waddanka lagu hogaamiyaa waa mid cashuurta 100%  la qaado oo xukumaddu naaxdo iyo mid cashuur fudud xukumadu qaado oo shirkadaha iyo ganacsigu naaxo oo shaqooyin dalka ay ka abuuraan,

xukumadihii hore ee UDUB waxay qaateen Nidaamka cashuurta la fudaydiyo, laakiin xukumada hada talada haysa waxay qaadatay Nidaamka 100% cashuurta la qaadayo, waxay balan-qaaday in shaqaalaha dawlada mushaharka loo kordhinayo 300% tani maydhicin oo mar kaliya ayaa la kordhiyay, waxay balan qaaday in dugsiyada hoose dhexe lacagtii ardayda laga qaadayay laga dhaafay oo xukumadu macaliminta mushahar ku filan ay siindoonto, manay fulin balantii ay macalimiinta u qaaday halka mar ee mushaharka loo kordhiyay waxa qariyay cashuurta dawladu ku soo kordhisay quutal daruuriga dadku ku nool yahay,

Macalimiintu haday isyidhaahdaan ardayda wax aad ku noolaataan ka qaata waxa qabsanaya xukumada balantii fulin wayday sidaa ayay dugsiyadii dawladu ku baabi,isay, hadaad tidhaa dugsiyadii dawladu waa baaba,en ee wax halaga qabto ninka xilka hayaa wuxuu kugu jawaabayaa kuwa gaarka looleeyahay hala geeyo, waxaad is odhanaysaa malaha dugsiyada dawlada waxa la rabaa in privet lagu wareejiyo xukumaduna sheer kula jirto ,sobobtoo ah, habeen iyo maalin waxay dhextaaganyihiin dugsiyada gaarka looleeyahay kumana arkaysid kuwan ay masuulka ka yihiin iyagoo dhextaagan ama dhiiri galinaya.

Intaa kadib, XUKUMADU MUSUQMAASUQA WAY ISKA DHEERAYSAY, SIDII QOOMKII KHAMRIGU WAA XAARAANE KA DHEERAADA LAGU YIDHI, ee TUUMBO DHEER U SAMAYSDAY,oo kale ayay xukumadu musuqmaasuqa u samaysatay shirkado gaara oo ay leeyihiin oo magacyo shisheeye loo bixiyo iyo kuwo wadaniya oo ay shuraako yihiin.

XUKUMADA KULMIYE mudadii ay xilka haysay labada wadan ee kala ah, KUWAYD IYO IMARAADKA ayaa laba marshuuc ogu deeqay s/land oo xukumadu si ay u fuliso gacanta loogu dhiibay.

marshucii kuwayd waxa loo dhiibay WASIIRKA DUULISTA HAWADA EE SIDEE U MAAMULAY? wasiirku wuxuu umada u sheegay in shirkad chine iyo itobiyaan ku gulaysdeen iyo qaar wadaniya dhismaha madaarada, laakiin shirkado aan isaga ka fogayn ayay ahayeen waxaana markhaati ka ah markii shirkadihii ku fashinmen dhismaha saw wasiirku in uu la xisaabtamo shirkadaha may ahayn? muxuu isagu u difaacayay ceebta dhacday saw arintu may ahayn( dhawrtay ANAA KU SOO DHURAY KUNA DHAMA)

IMARAADKU MARSHUCII BIYAHA JALEELO CAASIMADA LAGU SOO GAADHSINAYAY SIDEE LOO MAAMULAY? xukumadu waxay sheegtay in shirkad wadaniya ay ku guulaysatay oo hantidii loo dhiibay waxaana cadaaday in hantidii hawada lagu qaybsaday shirkada iyo xukumadu, sobobtoo ah xukumadu haday shirkadu lunsatay maxay talaabo oga qaadi wayday? maxaase gudigii xaqiiqa raaddinta u timi ee imaaraadka ka socotay maxaa aqalkii ay ku jireen askarta loogu wareejiyay ee loogu diiday in ay baxan sidan saxafada ka akhriyay.

SIDOO KALE, LABA WADAN OO ISLAAMA OO KALA AH TURKIGA KUWAYD AYAA LABA DUGSI OO SAMOFAL AY AFKODA IYO DHAQANKODA KU FIDINAYAAN KA FURAY S/land ee SIDEE LOO MAAMULAY? hadynu soo qaadano Turkiga waa wadan dhaqaalihisu korayo oo damacsan in afkisa ku baahiyo wadamadii hore u xukumi jiray oo dhaqaale ku bixiyo, ayaan daro dugsigii s/land laga furay xukumadu waxay sheegtay in privet yahay!,oo haduu privet yahay maxay xukumadu hantida qaranka u siisay? saw may ahayn in xukumadu dhul ay  dhisdan siiso hada haday soo dhawaynayso ama saw may ahayn  in dugsigii xalane ee la siiyay in laga kireeyo maadaama ay privet yihin, waxba ayan hadalka ku daaline waxan dareemayaa in xukumadu shir kula jirto oo danyartii jaarka la ahayd ay awoodi kari waydo in ay dhigtaan.

HAYADA KUWAYD waxay hargaysa ka dhisatay dhismayaal waawayn oo agoomaha iyo danyarta loogu tala galay, laakiin hada waxa laga dhigay privet kalya ay dhigtan 10% ah agoomo iyo inta kale oo kuwa xukunka haya iyo kuwa tijaarta caruurtoda ayaa dhigta laakiin danyartii caruurtodu wax ka baran lahayd hanti la,aan ayaa iska hortagtay.

INTAA KA DIB, xumumadani waxay xukumadii ka horaysay ku caayi jirtay guryo ayaa la iibiyay lacag ayay madarada ka qaadaa,laakiin ficilada xukumadan marka la eego tii hore ayaa sharciga oga dhawayd oo wax hambaynaysay, waxaad arkaysaa guryihii dawlada oo qalmadaw lagu iibinayo waxaad arkaysaa warshadihii laydhka oo shiykado gaara lagu wareejiyay oo haday xukumadu dalka laxajaclo ka qabto ma laydhka barbara ayay cid ku wareejin lahayd, BARBARI laydh xukumadu kabto  ama DEKADA, dawlada hoose iyo haamuhu haday kabaan oo barbari hesho layd unitkii 0.2 ah sanad gudihii waxay noqan lahayd magaalada ogu camiran s/land oo dhan.

Mudane Madaxweyne intaa hadaan ku dhaafo waxyaabaha dhacay mudadad xilka haysaysay  kuwii ogu yaraa oo hada u soo dhaadhaco arinta haamaha ee saska laga qabo, waa run in xukumadu ay awood ay u leedahay in haamaha kirayso laakiin waa marka baahi timaa lagu kirayn karo oo umada tartan furan loo soo bandhigo, hadaadse qalmadaw shirkado  gaara kula heshiiso oo loo arko shirkado dana gaara aad wadaagtaan in umadu ka dido xaqbay u leedahay ee hadaad arint daacad ka tahay sharciga habaal marin maadaama wadamada jaarka tartan inaga dhexeeyo si arintu u hirgasho sharciga ku soo naqo oo cagta arinta u dhig.

MARXUUN CIGAAL,markii uu dalkan dhisayay haamaha wuxuu ka qaaday kuwii ogu xigay oo saaxil awood wayn ku lahaa oo ku qanciyay in xukumadu hantida qaranka gacanta ku haynayso,halka m/wayne siilaanyo hada u muuqdo nin qayskiisa iyo shirkado ay wataan in aad haamaha u gacan galinayso.

ISKUSOO WADA DUUBOO,m/wayne ilihii dhaqaalaha ee wadanka miyaanad ogayn in muwaadinka aad u kala saartay laba dabaqadood oo mustaqbalka isku shaqeeya sidii ingiriiska oo shirkado iyo tijaar kaliya ay dhaqaalaha wadanka gacanta ku hayaan inta kale oo dhana ay u shaqeeyaan.

hadaad arinta ku sii sacoto waxay keeni kartaa in damacaagu keeno isku dhacyo sakeeye oo hada laga koray inaad dib u soo caliso  ee arinta xaga wanaagsan ha ka eegin ee xaga xuna ka eeg ,shacbigu waxa ku habsatay dhaqaalo xumo ay laildaran yihiin ee haday xukumada iyo kuwa ku xidhan naaxeen hagardaamada kadaa dadka iyo dalka ma qaadi karaan waxad soo wado oo ah kaligay iyo cidaan wataa ha noolaato.

Mawliid Axmed jibriil

xaqsheeg@hotmail.com

Comments are closed