|

“Wadada Uu Muuse Biixi Xisbiga U Jeexay Waxay Horseedi Doonta Guuldarro..” Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Kulmiye G.Togdheer

Berbera 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddomiyihii hore ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamed ee dhawaan uu xilka ka xayuubiyay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ku celiyay inuu sharci daro ahaa Xilkaqaadistii lagu sameeyay sido kalna waxa uu Gudomiye Muuse biixi ku tilmaamay mid hareer maray dastuurkii Xisbiga waxanu sheegay Sahal aadan in Muuse Biixi god madaw ku riday Xisbiga Kulmiye .
Gudomiye Sahal ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxan iftiiminayaa qaabka lay badalay iyo qaabka loo badalay guddomiyayaashii gobolada ee xisbiga inaanu sharci ahayn,dastuurkana aanu waafaqsanayn ee uu baal marsan yahay xika qaadaistaydu waa arin aan doorasho iyo dastuur midna ku iman ” ayuu yidhi Sahal Aadan Guddomiyihii hore ee Xisbiga kulmiye ee G/Togdheer Sahal aadan ayaa dhaliilay hogaaminta Xisbiga ee muuse biixi waxanu sheegay Sahal in Muuse biixi burburiyay dastuurkii Xisbiga waxanu yidhi

“Wadada uu guddomiyuhu jeexay ayaa waxay tahay wado guul daro u hor seedaysa ,waana habdhaqan uu la soo baxay muuse biixi oo wargalin ima siin balantii aanu isku ogayn waxay ahayad maamuladiinii soo dhista dagmo kasta ” Gabagabadii Sahal Aadan ayaa ugu baaqay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye inuu ku soo noqdo sharcigii xisbiga isla markaana aanu baalmarin dastuurkii Xisbiga sido kalan waxa uu Su’aal galiyay mustaqbalka Muuse biixi “Muuse biixi waxan leeyahay maanta dhacday laakiin ka tanaasul adigo ah Gudomiyihii xisbiga barina doonaya inaad noqoto Madaxwaynihii qaranka oo hadana aad dastuurkii iyo sharcigii u yaalay xisbiga aad baal marto marka aad madaxwayne noqotana maxaanu kaa filnaa ”ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer .

Comments are closed