|

“Baashow seeddi in badan baanu ku ixtiraamnay ragga ugu quruxda badan ee xaydhastay baad ku jirtaa, raggii usoo halgamayna waa kuwaas meehanaaba…”Suld. Sabbayso

Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Suldaan Mawliid Sabayse oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa si adag uga Hadlay isku dhicii maalintii shalay Xarunta Wakiillada ku dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, waxana uu eedda Dhacdadaas dusha ka saaray Baashe Maxamed Faarax.

SABASuldaaan Sabayso oo u warramayey Telefishanka Star Tv, ayaa si kulul Guddoomiye-ku-xigeenka Golahaas Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyey inuu rabshado horleh doonayo inuu ka alooso Somaliland,  “waxa nasiib darro ah Baashe oo shalay cali Khaliif Buuhoodle oo Deegaankiisii ahi inuu Doonayo inuu Berbera iyo Hargeysa Dagaal ka rido, isagoo lacago soo qaatay. Waxan leeyahay sharcigu hadduu shaqayn waayo Gacantaa shaqayn doona oo waa la kala ciil baxayaa, si qaawannaantana waa lagu wada Hadli Doonaa.” Ayuu yidhi Suldaan Sabayso.

Mudane Sabayso, ayaa sheegay in rabshada golaha ka dhacday ay mudanayaal lacago kusoo qaateen, xilli uu tilmaamay in Dad badan oo xuquuq dalka ku lahaa wali Baahi badan ku nool yihiin, waxana uu yidhi,

“Saaka Golaha Wakiillada Foolxumadii ugu weynayd baa ka dhacday, rag baa lacag loo qaybiyey iyadoo danyartii iyo mujaaahidiinta dalka usoo halgantay ay bakhtiyayaan oo taayirka la mariyey, Adduunkana lama arag siyaasad lagu taajiro  mid lagu kaco mooyaane.”

Suldaan Sabayso oo Hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray,

“Inamada Jeebahadaha buuxsaday ee xaydhastay adeer wax kalaa xigi doona hadday istaagi waayaan, wixii aanu Siyaad barre ka yeeli weynayna maanta yeeli mayno, Somaliland-na  waa qabaa’il isku tegay oo wax wada leh isku dul noolaanshana yeelimayno, Walina lama arag Golaha wakiillada oo shirguddoonkii fadhiyo inuu Nin labaad yidhaahdo waan ka garab guddoominayaa.”

Suldaanku waxa uu  farriin u diray Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxana uu yidhi,

“Baashe waxan leeyahay seeddi in badan baanu ku ixtiraamnay ragga ugu quruxda badan ee xaydhastay baad ku jirtaa, raggii usoo halgamayna waa kuwaas meehanaaba. Saakana adigoo deegaankaagii Calankii Somalia ka taagan yahay ayaad doonaysaa inaad calankii Somalia ka taagto adigoo deegaankaagi waxba ka noqon wayday.”

 

 

 

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed