|

Golaha Wakiillada Oo Fasax Toban Cisho ah Galay iyo Dhexdhexaadin Uu Guddoomiyaha Guurtidu Wado Oo Lagu Hawllan Yahay

Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay Buuq badani ka dhashay, ayaa maanta jawi kale ku waabariistay, waxana fasax muddo toban cisho la geliyey Golaha, iyadoo uu shirguddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee golahaas Cali Yuusuf.

tixoGuddoomiye Cali Yuusuf, ayaa golaha ku wargeliyey in la horkeenay soo jeedin ay soo saxeexeen 13-Xildhibaan oo saddexda Xisbi ee dalka ka jira,kuwaas oo dalbaday in turxaan bixin degdeg ah la bilaabo, iyadoo dhinaca kalena Golaha Guurtidu arrintaas dabada ka riixayaan.

Mudanayaasha Golahaas, ayaa soo jeedinta  Guddoomiye Cali Yuusuf si weyn usoo dhaweeyey, waxana ay isku raaceen in la helo muddo lagu lago guro wixii golaha shalay k dhacay.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo dhexdhexaadintaas ku hawllan, ayaa sidan ka sheegay Xarunta Golaha dhexdeeda, “Dalku dhexdhexaadin kama maarmo waana ku jirnaa.”

Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax oo xafiiskiisa ka hadlay ayaa isaguna dhexdhexaadintaas soo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “ si xaraaraddu u degto waxanu isla garanay in golaha la fasaxo muddo kooban.”

Guddoomiye Cirro oo isaga laftiisa lagu amray inaanu kasoo bixin xafiiskiisa gaarka ah, isla-markaana aanu Fadhiga Golaha kasoo qaybgelin, ayaa soo dhaweyeeyey dhankiisa turxaanbixinta lagu baaqay, waxana uu yidhi,“Goluhu waxa uu u baahan yahay Jawi uu ku wada shaqeeyo, waana qaraar aanu wada gaadhnay in golaha la fasaxo muddo Toban cisho ah.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed