|

Waxaan ku Hambalyeynayaa Gudoomiye Abdirahman ciro sifihii sharciga waafaqsanaa ee uu ku difaacay Haamaha Keydka Shidaalka oo ah Hanti qaran

Wareejinta Haamaha Keydka Shidaalku ee waa denbi qaran, waxaanay niyad jab iyo Dhiig bax ku tahay shacabweynaha reer  Somaliland oo noloshoodu ku xidhan tahay shidaalka oo markii horeba sicir barar ragaadiyey. “Arintan Wareejinta Haamaha Shidaalku ma noqon karto arin madani ah oo Ganacsi ee waa arin  qaran oo xaasaasi ah, waa arin Sir ah oo la xidhiidha sugida  Amniga Qaranka”
Marka Dawladu dawlad Dastuuri ah oo sharci ah tahay ayaa Dastuurka qaranku u damaanad qaadayaa in Hantida maguuraanka ee dalka ay siday doonto ka yeesho oo kireyso, iibiso ama ku bedelato baahideeda guud. Laakiin maanta Xukuumada talada haysaa waa ku meel gaadh oo waxaa waqtigeedii Dastuuriga ahaa uu dhamaaday 27/7/2015 .Sidaa daraadeed waxaan shacabka reer Somaliland xusuusinayaa in Xukuumadani tahay Xukuumad ku meel gaadh ah ( Care taker Government ) oo maan-dheytkeedii uu dhamaaday laakiin mudada loogu kordhiyey si ay dalka  iyo dadkaba u gaadhsiiso Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah. Waxaa mujtamaca Somaliland u cadaatay in aaney Xukuumadani laheyn “Fairness, Respect, Equality and Excellence .
Tirada  Haamaha Shidaalka Keydiya tiradoodu waa 24 haamood , waxaan ka shaqeeya ilaa iyo 11 Haamood, waxaa shaqo dhab-dhab ahi ku socotaa 4 Haamood, waxaa tuuris ah ( scrub) 9 Haamood.Shaqaalaha Haamaha ka shaqeeyaa waa 57 Shaqaale, Shirkadaha sida joogtada ah u isticmaala Haamaha waa 9 shirkadood. Haamaha Shidaalka keydiya ee shaqeeya waxaa maalintii ka baxa shidaal gaadhaaya   80,000- 100.000 Foosto oo isugu jira Batrool iyo Naafto. foostada Batroolka ah waxaa laga qaataa $ 18.6 Doolar, ta Naaftada ahna waxaa laga qaataa $15.6 Doolar marka aynu xisaabino Bishiiba iyo Sanadkiiba lacagta ay soo xareeyaan Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera waa ilaa iyo 25 Million oo Dollar. 
Warar ka soo baxaaya looga qaateeno wararkooda loo wan qalo ayaa sheegay in Shirkadaha hoosta uga daloola xukuumada ee quud dareynaaya in ay la wareegaan haamaha shidaalka ay ku jiraan shirkado sameys ah oo cusub iyo qaar uu musuq-masuq hadheeyey oo aan marnaba ka run sheegin cadadka iyo  inta tan ee shidaal ah ee ay dalka keenaan iyaga oo mar waba isku daya in ay sameeyaan khiyaamooyin ay cashuur dhaaf ku helaan. Waxaa iyana isla shirkadahaa ka mid ah shirkadihii  uu marxuun Cigaal iyaga dartood uu Haamaha ugu wareejiyey Shirkadii qalaad ee TOTAL markii ay iyagu ku heshiin waayeen siyaabihii ay u wadaagi lahaayeen kaltanka Keydka Haamaha Shidaalka ee Berbera.intii ay dhawaanahan arintan wereejinta Haamuhu ay soo ifbaxday waxaa wax-garadka iyo  fogaan araga reer Somaliland isku wada raaceen in aaney shirkadahan oo  qaar ka mid ah dhexdooda ay deeradu kala miraneyso aaney laheyn Aaminaad iyo khibrad maamul wanaag ah oo ay kula wareegaan ama ku maamulaan Keyd Haamo Shidaal  oo Khatartiisa Nabadgelyo iska leh mar walba.
Hadaba waxaa Shacabeynaha Somaliland is weydiinayaa sababta Haamaha Shidaalka oo soo saara Sanadkiiba  dakhli gaadhaaya  $25 million oo dollar ay Xukuumadu u wareejinayso. waqtigan xaadirka ah? maxay u wareejin wayday intaan maandhaytka waqtigeedu dhamaan? waxaa halkaa ka cad in shaqsiyaad gaar ah oo xukuumada ka mid ah ay ka go’an tahay in hantidii maguuraanka aheyd ee qaran ay kula shuraakoobaan shirkadahaas si ay u helaan sheerer ay laba lisaan oo ay maalqabeen ku noqdaan mudo kooban.Haamaha Shidaalku uma baahna Khilaaf ragaadiya, uma baahna  gacan dhaaf shirkado madani ah ee  waxay u baahan yihiin gacan ku hayn iyo dayac tir dawladeed oo 100% ah.
Guntii Gebogebadii : Waxaan Xildhibaanada Baarlamaanka ku boorinayaa in aan mid mid loo soo Tu’ in si ay dhadhamo yar ay dheecaan u siistaan oo dhaameelka u qaataan, waxaan uga digayaa in aaney afmaris yar iyo faro xal aaney siisan Hantida ummadda iyo amaanadii ay u ilaalinayeen shacabkii doortey ee dirtay ee ay metelayeen ee ay ilaaliyaan dhamaan hantidooda guud ee maguurtada ah, waxaana ku waajib ah in ay meel uga soo wada jeestaan sharci waafajinta Hantida ummada ee Xukuumadan hororka iyo haanraawaha noqotay ay sheererka kula geleyso shirkadaha gacan wadaaga yaqaan. Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu xaq u leeyahay in uu sife sharci ah u fuliyo xeer hoosaadka Golihiisa, kaas oo go’aan kasta oo aan waafaqsan shuruucda dastuurka Madaxweynaha dib ugu celin kara. maanta Go’aanka Goluhu Gaadhay waa sharci aan ka noqosho laheyn inta la soo curinaayo xeerarka Maalgashiga madaniga ah ee hantida ma guuraanka ah  ee qaranka khuseeya.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Comments are closed