|

Dhimashada Masjidka Xaramka oo Korodhay Iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia oo Tacsi u diray Ummadda Muslimiinta dhimashada

Muqdisho, September 12, 2015 (SDN/QJ)-  Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii uu dumay wiish qaada qalabka dhismaha oo ka dhex shaqeynayay masjidka Xaramka ee ku yaalla magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga.

Makka93Wiish aad u weyn oo gaduud ah ayaa waxa uu ku burburay qeyb ka mid ah masjidka barakaysan ee aadka u weyn – kaasi oo ah masjidka ugu weyn dunida – goobtaasi oo ay xilligaasi ka buuxeen dad cibaadaysanayay.

Madaxa waaxda dicaafa madaniga ee Sucuudiga ayaa sheegay in dabeylo iyo roobab xooggan ay sababeen in wiishku uu burburo.

Magaalada Makah ayaa haatan waxa ay isu diyaarinaysaa martigelinta acmaasha Xajka ee sanadlaha ah.

Dabayaaqada bishan ayaa la filayaa in boqolaal kun oo qof oo Muslimiin ah ay gaaraan magaaladaasi iyagoo ka kala tegaya daafaha dunida.

Dhinaca Kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Xukuumada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Muslimiinta, waxa uuna uga tacsiyeeyey dhimashada dadkii ku shahiiday magaalada Barakeysan ee Makkah, dalka Sucuudiga.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee Makka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ahna tacsi ugu diray dowladdaha, Hindia, Turkey iyo Masar oo muwaadiniinta ugu badan ay kaga geeriyoodeen shilkaasi.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud, wuxuuna u rajeeyey inuu alle u fududeeyo howsha adag ee badbaadinta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay shilkaasi.

 

Comments are closed