|

“Hantidda Ummadda Waa La Badbaadinayaa, Cirro-na Maanta Inuu Madaxweyne U Qalmo Ayuu Muujiyay” Xildhibaan Axmed Yaasiin

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)-   Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah muaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi ku eedeyay inuu sharciyada iyo xeerhoosaadka ku tuntay, waxaanu sheegay inay aanay aqbali doonin boon uu tilmaamay inay Xukuumaddu ku hayso hantidda ka dhaxay shacbiga Somaliland.

 

Xildhibaan Axmed YaasiinXildhibaan Axmed Yaasiin oo warbaahinta la hadlay gacan ka hadalkii dhex-maray Guddoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa ka dib, waxa uu yidhi

 

“Maanta waxa uu Baashe Maxamed Faarax (Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada), halkaa ka sameeyay, Ummaddi waxay sharci ku tahay kala dambayn weeyaan. Wuxuu ku tuntay sharcigii waxaanu ognahay waxa la sameeyay, waxa la boobayaa waa Xoolihii Ummadda ee laga qabtay gacantii gacantii ganacsiga gaarka loo leeyahay (Privet), ee ay ku faanayeen inta haamood ee hagaagay,ee ay ku faanayeen sida ay u hagaajiyeen inay maanta dib u baabinayaan baanu u aragnaa, hana yeeli mayno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Ayaanle

 

Waxaanu Xildhibaanku intaas ku daray “Hantidda Ummadda waa la badbaadinataa, Guddoomiye Cirrona maantuu muujiyay inuu Madaxweyne u qalmo.” Ayuu Xildhibaan Axmed Yaasiin.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed