|

“Mooshinka Ninka Keenay Waa Aniga, Guddoomiyuhu Wuxuu Xaq U Lahaa In Sharciga La Mariyo Oo Loo Codeeyo” Xildhibaan Bukhaari

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)-   Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha muxaafidka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, islamarkaana hormoodka ka ahaa mooshinka ay ku doonayeen in dib looga noqdo go’aankii hore loogu laalay wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro xaq u leeyahay in mooshinkan ay maanta keenaan uu sharciga mariyo oo loo codeeyo.

Mudane Bukhaari oo xarunta Baarlamaanka warbaahinta kula hadlay, waxa uu yidhi “Mooshinka Ninka keenaya waa aniga, in golaha mooshin la keenaa waa sharci, in sharciyada la mariyaana waa sharci, 38 mudane ayaa soo saxeexay oo keenay. Guddoomiyuhu wuxuu xaq u lahaa in sharciga la mariyo oo loo codeeyo, inuu Golaha dhexdhexaad ku hoggaamiyo oo Guddoomiye u yahay ayaa Dastuurka ku taala inuu mooshinkii shalayna yidhaahdo uma baahna nidaa ee hadda loo codaynayaa.” Ayuu yidhi Mudane Bukhaari

 

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) waxa uu intaas raaciyay “Kii maantana inuu yidhaado shacigaa la marinayaa lama keeni karo oo xeer-hoosaadka u daliishado, shalayna uu yidhi xeer-hoosaadkan laalayaa. Waxa weeyaan arbush iyo fidmo golaha laga samaynayo.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed