|

Guddoomiye C.raxmaan Cirro Oo Ku Xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax Ku Eedeyay Xadgudub Sharci

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gacan ka hadalkii maanta dhex-maray isaga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa kowaad Baashe Maxamed Faarax warbaahinta la hadlay, waxa uu Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu ku kacay shacrijebin, islamarkaana uu ku gefay xeer-hoosaadka u yaala Golaha Wakiillada.

Guddoomiye-Cirro
“Shacbiga Somaliland iyo golaha wakiilladaba waanu ka raali galinaynaa wixii meesha ka dhacay maanta. Goluhu wuxuu maanta u fadhiistay kalfadhigiisii caadiga ahaa oo hawshiisii ayuu watay, waxaana socotay doodii xeer hoosaadka, dabadeed mudaneyaal ayaa mooshin keenay, sidii caadada ahayd waanu ka qabanay, waxaanu akhrinay magacyadoodii, wuxuuna la ujeedo noqday mooshinku kii hore eek u saabsanaa Haamaha shidaalka Berbera, sidaas daraadeed xeer hoosaadku ma ogola mooshin isla kalfadhigan la keenay in la soo celiyo, sidaas darteed waxaanu nidhi wuxuu mooshinkani ansax yahay kalfadhiga dambe.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Gudoomiyuhu Waxa uu ku Xigeenkiisa 1aad ku eedeeyay Sharci Jebin isagoo Sheegay inuu qaatay awood aanu lahayn Isla Markaana Marka uu Joogo uu hogaamiyo fadhiyada Golaha.

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii Wata ayaa Cadeeyay Asbaabaha uu u adeegsaday in Mooshinkan aanu Goluhu Gudo Gelin Wakhtigan “Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada JSL ayaa si fiican u sheegaya  waxa laga yeelaayo mooshinka laba jeer lagu soo celiyo isla kalfadhi socda Sida ay dhigayaan Qodobka 43aad Faqradda 2aad oo odhanaysa  “Lama Furi karo Mooshin haddii arrinta uu ka hadlayo ama uu Mooshinku  Khuseeyaa uu Goluhu ka Dooday isla Kalfadhigaas.” 

Mudane Cirro Waxa uu Intaas ku daray in Mooshinkan uu furan yahay Hadii la Keeno Kal fadhigan kan ku Xiga.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed