|

“Isagaa Bilaabay Gacan Ka Hadalka Guddoomiyuhu, Golahana Dhex Uma Aha” Baashe Maxamed Faarax

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa Guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku eedeeyay inuu ku horeeyay gacan ka hadalkii labadooda maanta ku dhexmaray fadhigii Golaha Wakiilada.

baashe maxamed faarax
“Isagaa bilaabay gacan ka hadalka Guddoomiyuhu, isagaana ku horeeyay gacanta, haddii uu sidii Guddoomiye u dhaqmi waayo, loola dhaqmi maayo, Guddoomiye maaha, waxaanu wada nahay shirguddoon, taladana waanu wada leenahay, markaa shirguddoonku wuxuu goostay in soo jeedin la sameeyo oo cod la galiyo, waxay ahayd inuu yidhaahdo miyaynu u codaynaa mise kalfadhiga dambe ayaynu gaynaa, waa nin badheedhsan, waa Guddoomiye xisbi golahana dhex uma aha, wixii hadda ka dambeeyana uma aqoonsanayno Guddoomiye, shacabkana waanu ka raali galinaynaa wixii dhacay,” ayuu yidhi Mudane Baashe Maxmae Faarax.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed