|

Shir Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Isku Faro Saaray Mooshin Laga Keenay Go’aankii Golaha Wakiiladu Ku Laalay Wareejinta Haamaha Shidaalka.

Hargeysa,12sep,2015(QJ/SDN)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii saaka ay iskugu yimaadeen la hor keenay mooshin ku saabsan  go,aankii hore ee golaha wakiiladu ka gaadhay wareejinta haamaha shiidaalka Berbera.

dagaal

Fadhiga saaka ee golaha wakiilada Somaliland ayey mudanayaasha muxaafidka ahi  keeneen mooshin la xidhiidha in golaha dib loogu soo celiyo go,aankii ay hore uga gaadheen wareejinta haamaha shiidaalka, kaas oo muran iyo buuq badan ka dhex dhaliyey shir gudoonka iyo mudanayaasha golaha wakiilada.

f1

Wararka aanu ka helayno xarunta golaha wakiilada ayaa sheegaya in fadhiga oo uu gudoominayey gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro uu gacan ka hadal dhex maray gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad, halka xildhibaanada goluhuna mid mid isku garaaceen.

f2

Gacan ka hadalka dhex maray mudanayaasha iyo shir gudoonka golaha wakiilada ayaa keenay in fadhiga golaha la xidho. Waxaana warku intaasi ku darayaa in ay jiraan dhaawacyo soo kala gaadhay shir-guddoonka golaha wakiilada.

Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Kala Soco Halkan Insha Allaah.

Comments are closed