|

”Wax kale Ma Aha Ee Cunista Qaadku Waa Adigoo 10Koob Oo Kafee Ah Cabay Uun…” Mo Faarax Oo Su’aalo Adag La Weydiiyay

mo farahLondon,12sep,2015(QJ/SDN)-Maxamed Faarax (Mo Farah), ayaa caawa marti ku ahaa barnaamijka dadka caanka ah lagu waraysto ee Piers Morgan Life’s Stories ee uu baahiyo ITV. Su’aalo badan oo noloshiisa gaarka ah quseeya ayaa la weyddiiyay. Waxa uu ka warramay waxyaabo badan oo uu yaraantiisii soo maray oo ay ka mid ahayd; afar jirkiisii mar uu Jabbuuti joogay oo qoyskiisa oo 8 qof ka koobnaa hal maqsin wada degganaayeen.

Soomaalida iyo habdhaqannadeeda ayaa ka mid ahaa waxyaabihii kale ee wax laga weyddiiyay. Inkasta oo uu marmar weyddiimaha ku yara hafanayay, haddana si wanaagsan ayuu sawir uga bixiyay Soomaalida. Arrinta cajiibka ahi waxa ay ahayd kolkii la weyddiiyay: 2003 mar uu Hargeysa tegay in uu daroogo isticmaalay? “Haa, waan cunay [yara qayilay] laakiin tijaabin ayaa ay iga ahayd” ayuu yidhi. Kolkaas baa dadkii fagaaraha ku sugnaa guux bilaabeen! Dabadeedna waxa la weyddiiyay: “ma waxa aad qirsan tahay adigoo nin sidaa u magac weyn ah in aad daroogo cuntay?”

In uu is difaaco ayuu doonay, kolkaas buu yidhi: “qaadku waa dhir dabiici ah dadkuna (Soomaalidu), waa ay wada cunaan!” Markaas baa lagu celiyay: “laakiin dalkaaga waxa uu kaga diiwaangashan yahay daroogada nooca derejadeedu tahay (C), sidee ayaad kolkaa u leedahay waa dhir dabiici ah?”

Su’aashan odaygu waa uu ka baxsaday oo waxa uu yidhi: “marka aan cunay dalkan sharci ayuu ka ahaa, loomana aqoonsanayn daroogonnimo.” Markale ayaa haddana la weyddiiyay: “Soomaalida intee ayaa qaadka cunta?” Waxa uu ku jawaabay: “waa ay wada cunaan, amma intooda badan ayaa cunta!” Markaas baa haddana la weyddiiyay: “markaa dadkaasi (Soomaalidu), ma daroogo ayay wada cunaan?”

Qiyaas ahaan odayga in ay hoos marto oo uu markale waa dabiici yidhaahdo ayaa ay ka rabeen, ha ahaatee tan waa uu uga baydhay oo waxa uu ku jawaabay: “wax kale ma aha ee cunista qaadku waa adigoo 10 koob oo kafee ah cabbay uun!” Waxa haddaba qosolka iyo yaabka lihi waxa weeye: waraysigii kolkuu dhammaaday in isla Tiifiigii warkiisa ku soo daray: “Mo Farah oo qirtay in uu isticmaalay daroogada nooca heer (C), xilli ka horraysay intaan Britain laga mamnuucin! Waar bal

Waxa Diyaariyay Maxamed Haykal 

 

QJ/SDN; London

Comments are closed