|

War Maraykanku Si Weyn Uga Naxay Oo Laga Soo Sheegay Xoogagga Daacish

Mousil:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in kooxda Daacish ay gacanta kula jirto farsamaynta hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah.

cishSaraakiishan war ay soo saareen warbaahinta reer galbeedka maalintii shalay lagu qoray waxaa lagu sheegay in khubaro Daacish ka tirsan ay farsamaynayaan walxo kiimikaal ah oo lagu darayo hubka ay dagaalamayaashu adeegsadaan.

Dagaalka ay kooxdu ka wado wadamada Ciraaq iyo Syria ayay u adeegsan doontaa sida xogtu sheegayso.

Wariyaal ka tirsan BBC-da qeybta dunida la hadasha ayaa sheegay inay arkeen mar ay Turkiga tageen calaamado muujinaya in kooxdu haysato hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah.

Saraakiisha Maraykanka waxa ay sheegeen inay aaminsan yihiin in kiimikadan oo kooxdu heleen iyadoo budo ah ayaa waxaa ay xataa u adeegsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Kobane ee ku taala xadka ay wadaagaan wadamada Syria iyo Turkiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed