|

“Tujaarta, Xukuumadda iyo Ganacsataduba Way Ka Gaabiyeen Inay Dadkeena Jilicsan Wax Taraan…”Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro)oo kamid ah Culimada Reer Somaliland ee Wadciga taagan sida weyn uga hadla, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda iyo Tijaarta waawayn ee reer Somaliland iyo Culimaduba ka gaabiyeen doorkii ay ahayd inay ka qaataan caawimada Dadka danyarta ah ee Dalka kunool.

siiroSheekha oo shalay khudbaddii Jimcaha kaga hadlay U SAMAFALKA WAALIDKA iyo heerka Diinta Islaamku gaadhsiisay ayaa sidoo kalena ku soo hadal qaadey sida ay muhiimka u tahay in xukuumadda iyo dadka Alle wax siiyey ay wax taraan Agoonta ku dhaqan Somaliland, isagoo xukuumadda, Tujaarta iyo culimada ku canaantey inay ka gaabiyeen.

“Waxaan leeyahay Xukuumaddu way ka gaabisay in Agoonta wax la taro, waxaanu leenahay Tujaartu way ka gaabiyeen, culimadu way ka gaabiyeen, waxaanu leenahay cid kasta oo wax is moodeysaa way ka gaabiyeen inay dadka jilicsan wax taraan oo shaki kuma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Waxaanu intaas ku daray; “Waad ogtihiin oo dalka waxa taagan 70.000 oo dhallinyaro ah oo dugsiyada sare iyo jaamacadaha ka qallin-jabiyey (oo shaqo la’..). Markaa dhallinyarada waxaan leeyahay cid idiin naxariisanaysaa ma jirto’e ee fikirka aynu keenaynaa muxuu yahay dhallinyarooy, ma inaad hooyadaa dhibtaa baa oo laguu iibiyo baloodhka Sandaqaddu uga dhisan tahay caruurta yaryar ee aad walaalaha tihiin, ma inaad hooyadaa u jabiso kuwo aanay weligeed waxba waydiinseen baa oo ay ku yidhaahdaan waxna ku siin mayno, kuna amaahin maynno, mise waxaanu ku nidhaahnaa dalkani waa qani oo gacmaha ayaad ka leefi doontaa (Nimcada) oo waad ku samri.”

Hadalka Sheekha ayaa ku soo beegmaya xilli ay jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo qallin-jabiyeen kumanaan arday, kuwaasi oo badankoodu muddada ay jaamacadaha ku jireen waalidkood si dirqi ah kaga bixinayey, haddana aan qabin rejo ah inay shaqo ku helaan aqoonta ay barteen.

Toddobaadkii dhamaaday waxa Magaalada Hargeysa xaflado loogu qabtey arday ka qallin-jabiyey jaamacadaha Admas, Golis, Addis-Ababa Medical College iyo kuwo kale oo badan, kuwaasi oo ardayda ka qallin-jabisay celcelis ahaan tiradoodu ka yar tahay 5000.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed