|

Mustaqbalka Madaxweyne Xasan Sheekh Saddex Sanno kadib !!!

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud-00Muqdisho,12sep,2015(QJ/SDN)-Bishii September 10-dii ee sannadkii 2012-kii, ayaa waxa uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud waxa uu ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda, oo ay kula baratameen 25 Musharax oo kala ahaa:-

C/raxmaan Macalin Baadiyow, C/waaxid Cilmi Goonjeex, C/llaahi Axmed Caddow, C/wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Axmed Ismaaciil Samatar, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Cumar Salaad Cilmi, C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, Bashiir Nuur Xasan Bidaar, Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin, C/qaadir Cosoble Cali, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xuseen Khaliif Jaamac, Maxamed Axmed Saalax, Salaad Cali Jeelle, Ibraahim Cali Xuseen, Saciid Ciise Maxamuud, Cismaan Maxamed Gacal, Maxamed C/llaahi Oomaar, Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Doorashadda uu Madaxweyne Hassan Sheikh ku soo baxay ayaa ahayd mid aad u adkayd, waxayna Wareegii 3aad isugu soo hareen Madaxweynihii xilka hayey, Sheikh Sharuf Sheikh Ahmed.

Codbixinta Xildhibanadda Barlamaanka xilligaasi curdanka ahaa ayaa waxay 190 cod ugu shubeen Madaxweynaha haatan, halka Madaxweynihii DKMG, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed helay 79 dhibcood.

Guusha Madaxweyne Hassan Sheikh ku hantay Cod-bixintaasi ayaa waxaa haatan laga joogaa muddo 3 sanno ah, waxaana la isweydiinayaa Horumarka iyo Dib-u-dhaca muddada uu hayey xilkaasi.

Hassan Sheikh Mohamoud oo haatan 59 jir ah waxa xilligan ka yaalla Mooshin ay ka soo gudbiyeen Tiro ka mid ah Xildhibaanadii isaga u codeysay 3 sanno ka hor.

Waana markii labaad oo Madaxweynaha laga soo gudbiyo Mooshin ka dhan ah, iyadoo Mooshinkii hore uu si xeelladaysan kaga badbaaday inuu ku waayo Xilka Madaxtinimadda.

Saddex Sanno oo uu Qasriga Madaxtooyadda ku sugan yahay ayaa waxa uu ku kasbaday Taageero iyo Mucaarad, waxayna dadku ka mideysan yihiin inuu Madaxweynuhu ku hungoobay Ballanqaadkiisii xilligii uu Musharaxa Madaxweyne ahaa.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Ballanqaadka Musharixiinta iska yahay mid Beer-laxawsi Siyaasadeed ah oo ay ku awr kacsadaan, si loogu doorto Xilka.

Marka la isbarbar dhigo Waxqabadka Madaxweynaha, waxa uu noqday Hoggaamiyihii Qaranka ee ugu Safarka badan, isla markaana uu saddexdii biloodba ugu yaraan 4 Safar ugu ambabaxa dalalka dibedda.

Xeeldheerayaasha wax naqdiya ayaa su’aal ka keenay Kharajka Safar kasta ku baxa Madaxweynaha iyo Gunnadda u sii dheer, waxayna farta ku godaan in Kharajkaasi laga bixiyo Khasnadda Deeqaha Caalamka ugu talagalay Adeegyadda Horumarka iyo Nabadda Somalia.

Madaxweynaha waxa aad u kooban Safaradda uu ku kala bixiyo Goballadda iyo Degmooyinka, wuxuuna booqday magaallooyinka Kismayo, Garowe, Baydhabo, Garbahaarey, Afgooye, Beled-weyne, Dhuusa-ma-reeb, Cadaado iyo Jowhar.

Inkastoo ay Beesha Calamka iyo Hawlgalka AMISOM dadaal badan ku bixiyaan La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda, ayaa waxa uu dadaalkooda noqday tacab lagu khasaaray,

Hardankii AMISOM ee ay soo bilowday 2007-dii ayaa lagu fasiri karaa Mashruuc Qandaraas iyo Waxqabad Jug-jug meeshaada joog.

Khubarada Milliteriga ayaa waxay ku dhaliilaan Madaxweynaha ahna Taliyaha Guud ee Ciiddamadda inuusan lahayn Khibrad Ciiddan, isla markaana aanu xil iska saarin Qiimeynta Hawlgalladda, iyadoo aysan Ciiddanka Qaranka haysanin Qalab Casri ah iyo Dhiirigelin Moraal iyo Maaliyad leh.

Waxaa weli la xakamayn la’ yahay Maleeshiyooyinka hubeysan ee Ilaaladda u ah Madaxda iyo Ganacsatadda, kuwaasi oo khatar ku ah Nabadda Guud ee Somalia, gaar ahaan Caasimadda.

Teknikadda iyo Maleeshiyooyinka hubeysan ee ka madax bananan Hay’addaha Ammaanka ayaa waxay adeegsadaan Xeellad, iyagoo isku diiwaangeliya sidii Ciiddan Qaran.

Siyaasiyiinta Muxaafidka ayaa rumeysan inuu Madaxweynuhu wax badan ka qabatay Siyaasadda Dibedda, Horumarka, Adeegyadda Bulshadda iyo Nabadda, balse ay Hawlahaasi la kulmaan Isbaarooyin muuqda iyo kuwo qarsoon oo ay wadaan Somali iyo Shisheeye.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud oo isagu ah Aqoonyahan muddo ku soo jiray Dhaqdhaqaaqyadda Waxbarashadda iyo Ururradda Bulshadda Rayidka ayaa la rumeysan yahay inuu dadaal xooggan u galay dib-u-dhiska Nidaamka Dowladnimo, inkastoo uu dhowr Ra’isul-wasaare xilalka ka qaaday, kadib, markii ay isku dhaceen.

Madaxweynaha waxa uu Khilafkii ugu xoogganaa la galay Ra’isul-wasaarihii Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed, waxaana Khilaafkaasi ku kala qeybsamay Xildhibaanadda Qaranka, inakstoo uu markii dambe Ra’isul-wasaare Abdiweli shaaciyey inuu xilka ka degay, isagoo eegaya Danaha Qaranka.

Waxa kaloo uu caqabad joogto ah lagala kulmaa Madaxda Maamul-gobaleedyadda Puntand iyo Jubbaland, oo iyagu si mutuxan u shaaciyey inay Mucaarad ku yihiin Dowladda Dhexe ee Somalia.

Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud waxay qirsan yihiin inay ku fashilmeen Dhamaystirka Hiigsiga Cusub ee Somalia, kadib, markii ay hanan waayeen inay u gogol-xaaraan Qabsoomidda Doorashadda Madaxtinimadda ee la filayey inay dhacdo sannadka soo socda.

Sidoo kale, Dowladda Federalka waxay ku guuleysan waayeen inay Mashaariic Shaqo u abuuraan Da’ yarta, iyadoo ay Kumanaan Dhallinyarro ah ku le’daan Tahriibka Saxaraha iyo Baddaha, halka kuwo kalena ay shaqo la’aan dhex yururaan Xaafadaha.

Halbeeg kasta oo Madaxweynaha lagu qiimeeyo ayaa waxay muujinaysaa in saddexda sanno ee uu fadhiyo Villa Somalia aan lagu tallaabsanin wax Horumar ah, gaar ahaan Ballaarinta Maamulka Qaranka, Dib-u-habaynta Garsoorka, Ammaanka, Adeegyadda Bulshadda, Mooraalka Ciiddanka iyo Tisqaadka Nabadda Somalia.

XIGASHO: ALLBANAADIR

Comments are closed