|

Galmudug Oo Sheegtay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Ay Taageero Ka Hesho Dowladda Iraan

Cadaado,12sep,2015(QJ/SDN)-Maamulka Galmudug, ayaa maanta waxa uu Ururka Ahlu Sunna uu ku eedeeyay in taageero uu ka helo Dowladda Iran, isla-markaana uu faafinayo madaahiibta Shiicada.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa si adag u sheegay in Ahlu Sunada ka arrimisa Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, ay hub iyo dhaqaalaba ka hesho Dowladda Iran.

Wasiirka waxa uu tibaaxay Ahlu Sunna in dhibaato xoog lihi ay ka wado Deegaanada Galmudug, isla-markaana uu Ururku ka shaqaynayo sidii la isaga horkeeni lahaa beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug, sida uu yiri.

Wasiirka waxa uu soo hadalqaaday Xoogaga Sufa oo ah garab ka mid ah Ahlu Sunna, in xiriir dhow uu la lee yahay Xukuumadda Tehran, taa oo sida uu sheegay taageero u fidisa.

Maxamuud Aadan Cismaan, ayaa carab dhabay Iran in dano gaar ihi ka lee yahay Deegaanada Galmudug, isla-markaana ay wax laga xumaado tahay waqtigan xasaasiga ah in shacabka reer Galmudug la’isku deyaayo in la kala qaybiyo.

Maxamuud wuxuu bidhaamiyay Galmudug inay ka go’an tahay in la mideeyo shacabka Deegaanka, loona horseedo nabad iyo wax wada qabsi, sida uu yiri.

Hadalka ka soo yeeray Galmudug waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Ciidamada Ahlu Sunna & Galmudug, ay isku hor fadhiyan inta u dhaxeyso Deegaanada Godinlabe & Mareergur.

 

XIGASHO; DHACDO

 

Comments are closed