|

FAAHFAAHIN:Wiish Weyn Oo Ku Soo Dumay Masaajidka Xaramka Ee Magaalada Makka iyo 87 Qof Oo Ku Dhimatay

Makka,11sep,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 87 Ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 180 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Masaajidka Maka Al-Mukarama ee dalka Sucuudiga kaddib markii uu kusoo dul-dhacay Wiish kuwa dhismaha ahi.

Wiishkan, ayaa ku taagnaa dhismaha u dhaxeeya Safa & Marwa, waxa uuna ku soo dhacay barxadda ku taala dhabarka dambe ee Maqaamu Ibraahiim, xilli halkaas ay Salaad ku tukanayeen dad soo dawaafay.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ah Wakiilka Somaliland u qaabilsan arrimaha Xajka, ayaa BBC u sheegay roobab maanta watay onkod iyo dabeylo oo halkaasi ka da’ay, ay keentay in danab uu ku dhaco wiishka, isla markaana uu burbur weyn ka soo gaadhay wiishka. Birrihii wiishka oo goo’go’ay ayuu sheegay inay soo daateen, taasina ay keentay dhimashada 87 ruux iyo dhaawaca 180 kale.

Gurmad xoog leh, ayaa loo fidiyay dadkii wax ku noqday dhacdadaasi, waxaana la geeyay goobaha caafimaadka, iyadoo kuwii ku dhaawacmay wax looga qabanayo xaaladooda caafimaadeed.

Roobabkan, ayaa noqonaya kuwoodii ugu xooganaa oo Sacuudiga ka da’a muddo ka badan 10 sano, sida uu laanta afka Somaliga ee BBC uu u sheegay Axmed Aadan Dagaal, oo ku sugan dalkaasi.

 

Dhacdadani, ayaa ku soo beegmaysa, xilli laba toddobaad oo keliya ay ka harsan tahay xilligii gudashada Xajka, oo mallaayiin Muslimiin ah ay diyaargarow ugu jiraan.

Makka2 Makka3 Makka9 Makka11 Makka92 Makka93

Comments are closed