|

10-Mudane Oo Lagu Kordhiyey Tirada Xildhibaanada Maamulka Jubba Land

Kismayo:Sep,11,2015(SDN/QJ)-Waxa kor loo qaaday Tirada Mudanayaasha Baarlamaanka ee Maamulka Jubba land, iyadoo haatan la gaadhsiiyey 87-xubnood,  kadib markii lagu daray Toban xubnood oo cusub.

jecMadaxweynaha oo shalay galabtii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo, ayaa daboolka ka qaaday inay dib u eegis ku sameeyen Xildhibaanada Baarlamaanka, markii ay wada tashi la yeesheen Dowladda Federalka Somaliya, Beesha Caalamka & Shacabka Jubbaland.

Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xariiqay tani inay ka dambeysay cabasho ka soo yeedhay Beelaha Gobolada Jubbooyinka, isla-markaana ay u baahdeen in qabaa’ilada wax tabanaysa la qanciyo.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay Beelaha Jubbooyinka ee cabashada ka muujinaya Maamulka Jubbaland, in looga baahan yahay inay soo xulaan tobankaasi xubnood, si loogu daro Baarlamaanka.

Tani waxay ka dambeysay markii maalintii shalay ay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ee Magaalada Kismaayo gaadheen Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo, uuna horkacaayay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa bishii June la sheegay in ay kala direen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, ka dib markii ay sheegeen in sifo aan sharci ahayn lagu soo xulay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed