|

Waxgaradka Iyo Dadweynah Reer Buuhoodle Oo Ku Gacan Saydhay Qorshe Jab’hadayn Cusub lagu samaynayo

Buuhoodle 10 Sep 2015  (SDN/QJ)- Waxaa magaalada buuhoodle maalmahan laga dareemayay dhaqdhaqaaq ay ka wadeen kooxda SSDF oo ka yimi dhanka Maamulka Garoowe ,kooxdan oo uu soo diray gudoomiye ku xigeenka Jab’hada SSDF mudane Cabdixakiin Camay

Sababa kooxdani ay meeshan u joogto ayaa ah in magaalada Buuhoodle ay ka qortaan askar tirqadoodu dhan tahay ilaa in ku dhaw Sagaal boqol oo Askari lana geynaayo deegaanka Buuryo- Goys oo ka tirsan gobolka Mudug iyda oo halkaasina lagu siin doono tababar Milatari

Hadaba oday dhaqameedka iyo waxgaradka reer Khaatumo ee deegaanka Buuhoodle ayaa markii ay warkan heleen inamadoodi kala hadhay baabuurti ;agu daad gureynaayay ee deegaanka Buryo-Goys ee gobolka Mudug lagu geynaayay

Odayaashan reer buuhoodle ee taageersan maamulka Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “ caruurtayada la siin maayo dhiigooda waraaqo faalso ah anagu Khaatumo ayaanu nahay SSDF-na ciidamo how doonato Maamulka Garoowe, Qardho ,Boosaaso, ciidamada aad imika doonaysaana Khaatumo ayaa hore uga talisay aaya hooda.”

 

 

 

Comments are closed