|

Baarlammaanka Federaalka oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2015-ka

Muqdisho 10.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Baarlammanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2015-ka, kaddib markii uu ku sameeyay dib u eegis.

xildhibaanada-300x168Miisaaniyadda oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyada ayay xildhibaannadu ku ansixiyeen kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho.

Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo miisaaniyadda ku sameeyay dib u eegis ayaa dhimay caddadkii guud ee miisaaniyadda lahorgeeyay baarlammaanka .

Xog-hayaha guddiga miisaaniyadda ee baarlammaanka oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dhimista lagu sameeyay miisaaniyaddu aysan saamayn doonin mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha dowladda.

Kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda ayaa waxaa guddoomiyay af-hayeenka baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan.

 

Comments are closed