|

“Khaatumo Aniguba Waan Ka Mid Ahaan Jiray, Balse Fikirkaasi Wuu Dhicisoobay ” Wasiirka Biyaha Somaliland

Hargeysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa siyaasdeed ee deegaanka Balicad uu ka wado horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee khaatumo, isla waxaana wuxuu su’aal galiyay nuxurka shirka uu ka abaabulay deegankaasi ,waxaanu sheegay in aanu Cali khaliif matalin deegaanka uu colaadaha iyo qaska ka abaabulayo .

Wasiirka Biyaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskii ayaa sheegay in fikirka khaatumo yahay mid dhicisoobay.“Khaatumo anigu waan ka mid ahaan jiray, berigaa hore dadka 80% way matalaysay. Laakiin imika 10% ayay bulshada ka meteshaa, waayo imika ninka wata ee Cali Khaliif wuxuu ka dhigtay wuxuu isagu leeyahay oo uu marna Xamar la qabto, marna meel kale, cabshadoodana ma gudbinayo .”ayuu yidhi Wasiir Baashe Cali. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi; “Shirkan Balicad imika uga socda, muxuu uga jeedaa miyuu is cusboonaysiinayaa ,ma beesha caalamkuu is tusayaa, wuxuu uga jeedo nuxurkeeda ilaa hadda maan ogaan ,laakiin dadka deegaanku waxay sheegayaan inuu nabad galyo daro iyo dagaal uun abaabulayo, Cali khaliifna kama turjumayo cabshada dadku qabaan ee naftiisa ayuu matalaa nin dadkaa u maqan ama wax u taraya maaha, inuu fidmo uun keeno mooyaane ”ayuu yidhi Wasiirka Biyaha Somaliland.

Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac ayaa sido kale fariin nasteexa u diray bulshada ku dhaqan deegaanada sool & Buuhoodle waxanuu yidhi; “Dadka khaatumo aaminsanow nabad wax ku raadiya ,ma qabo in khaatumo matasho deegaankaa hadii fikir dhicisoobana waa laga hadhaa oo aniguba waan ka hadhay laakiin Cali Khaliif ma metelo deegaankaasi ee nabad wax halagu raadiyo. ”ayuu yidhi Wasiir Baashe Cali.

Comments are closed