|

“Damac Hoggaanka Ah Baa Mustaqbalka Na Hayee Waa Inaad Qorshaha Ku Darsataan arrinkaa” Suldaan Cumar Suldaan M. Faarax

Hargeysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Suldaanka guud ee gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax, ayaa ka qaybgalay munaasibad hadhimo sharafeed ah oo Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijandhe) ku soo bandhigay hankiisa musharaxnimada xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Suldaan Cumar“Mustaqbalka damac hoggaanka dalka ah baa na haya waxaana noo Musharax ah Xildhibaan Axmed Kijaandhe sidaa darted waa inaad qorshaha ku darsataan arrinkaa.” ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay hadlay Musharax Kijaandhe oo soo dhaweyn iyo is barasho ka dib cadeeyey damiciisa shegayna inuu xiligeeda marka la gaadho codsanayo inaan codka lagala bakhaylin isagoo xusay in kulamo intan ka balaadhan iyo booqasho degaanka Solamadow ahba uu qorshayn doono marka la gaadho xiligeeda.

Dhinaca Beesha Solamadow oo uu ugu horayn u hadlay Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa si mug leh uga mahad celiyey casumadan uu Musharax Axmed Kijaandhe iyo beshiisu ku maamuseen Beesha Solamadow ka dibna cod dheer ku balanqaaday inaan beeshu waxba ka hagran doonin marka la gaadho xiligeeda qiime weyna ay u hayaan beesha Arab oo aanu qiimeheeda siin doono ayuu yidhi, waxaa isna hadal mahadnaq iyo dhiirigelin musharaxa ahba is raaciyey

Wasiirkii Warshadaha ee Xukuumaddii Rayaale Maxamed Saleebaan Weyne isagoo waxa uu yidhi “Maanta cid aanu uga hanweynahay Beesha Arab ma jirto waana balan in aanaan hiil iyo hooba la hadhi doonin marka la gaadho xiligeeda isagoo si kaftana hadalkii ugu soo xidhay hadii Arab ururkii Xaqsoor nagaga cawday waxanu balan qadaynaa in aan musharaxoodu naga caban doonin.”

Si kastabe aha ha ahaatee kulankani wuxuu ahaa mid si qurux badan oo milge sharaf leh la isku qaabilay kuna dhamaday iyadoo si niyad ah labada dhinac isaga dalbadeen in kulamadu intan ka sii bataan joogtona la isaga warhayo, waxaa xusid mudan oo goobta looga mahadnaqay labadii xubnood ee kulankan soo qabanqaabiyey ee xidhiidhiyaha ka ahaa waa Dr.Abdiraxman Ali Ubaxle iyo Dr.Maxamud Jaamac Khayre.

Comments are closed