|

“Xildhibaanada Muxaafidku Waxa Ay Doonayaan Inay Cid Kale Ku Adeegato Caqligooda” Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargaysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida joogta, ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano Muxaafid ah oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo u codeeyey Mooshinkii lagu laalay wareejinta Haamaha Shidaalka inay haddana dib uga noqdaan, oo ay doonayaan in dib loo soo dhigo Golaha, waxaanu xusay in aanu jirin sharci sheegay in go’aan ama mooshin Goluhu cod u qaaday in dib loogu soo celiyo.

Xildhibaan Maxamed SaalaxXildhibaan Maxamed Saalax oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxa aan ka mid ahaa XIldhibaanadii soo jeediyey Mooshinka ah inaan cid gaar ah lagu wareejin Haamaha Shidaalka, cida ay doontaba ha ahaate, waxayna dantu ku jirtaa inay Xukuumaddu gacanta ku hayso, sidaas ay imikaba ugu hayso, Xukuumaddu waxa ay ku faanaysay inay dayac tirtay ilaa iyo 18-hamood, sidaas ay ugu faanaysay inay wax ka qabato, ha ugu faanto inay sii hayso, wareejinta Haamuhuna dhib mooye dheef ma yeelayso, mana garanayo danta iyo faa’iidada ku jirta wareejinta Haamaha, Marxuum Cigaal markii uu Total ku wareejinaayey Haamaha dan ayuu ka lahaa, dantaasina waxa ay ahayd in dalkan aqoonsi loo raadiyo”.

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa mar uu ka hadlaayey Xildhibaanada Golihiisa ka tirsan ayaa yidhi “Xildhibaano u badan Muxaafidka, ayaa waxa ay doonayaan inay golahoodii ceebeeyaan, waxa ay doonayaan inay ka mudane ahaan is ceebeeyaan, Xildhibaanada Muxaafidku waxa ay doonayaan inay cid kale ku adeegato caqligooda iyo fartooda, Xildhibaanada Muxaafidka ee shalay wixii ay ansxiyeen inay dib ugu noqdaan, horta sharci u banaynaya ma jiro, haddii Xeer ka yimaado Xukuumadda ee marka aynu aragno ka doodno, wejigeeda ayey leedahay, laakiin wakhtigan aynu hadda taagan ahay go’aankii Golaha ayaa yaala, cid sharci u leh oo ku soo celin kartaana ma jirto, mana dhacayso Xildhibaan Shalay wixii uu u codeeyey inuu ka codeeyo, dil iyo gawrac ayey ku tahay, Golaha dil iyo gawrac ayey ku tahay”.

Comments are closed