|

Mudanayaasha Muxaafidka Oo Sabtida Golaha Wakiiladda Keenaya Mooshin lagu Taageerayo Go’aankii Madaxweynaha ee Haamaha Iyo Waxyaabaha ay ku Sababeeyeen DAAWO

Hargaysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Mudaneyaasha muxaafidka ee Golaha Wakiillada, ayaa Sabtida todobaadkan soo socda fadhiga golaha keenaya mooshin ay ku dalbanayaan in shirkaddaha shidaalka lagu wareejiyo haamaha kayadka shidaalka ee magaalada Berbera.
Xukuumadda iyo koox ganacsato ah oo ka masuul ah shirkaddaha doonaya inay la wareegaan haamaha ayaa maalmihii u dambeeyay wada olole ay dhaqaale ku bixinayaan, kuwaas oo Xildhibaanada shuruudo iyo balan-qaadayo xambaarsan dhaqaale u balanqaaday si ay u keenaan mooshin burinaya go’aankii hore 40 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilladdu ay ku laaleen in la wareejiyo haamaha shidaalka.

Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo) iyo Xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush oo ka mid ah mudaneyaasha ayaa sheegay inay maalinta sabtida golaha keenayaan mooshin ay ku dalbanayaan wareejinta haamaha.

Comments are closed