|

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Digreeto ku soo saaray Maalinta ay Qabsoomayso Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda

Hargaysa 10.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3569/092015 ku cadeeyey wakhtiga rasmiga ah ee dalka looga dareeridoono Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada.

madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);
Markuu Arkay: Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;
Markuu Ku Qancay: In baahi loo qabo isla markaana ay lagama maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimoxilliga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed