|

Telefiishanka N1TV Oo Shaqadii Ka Caydhiyay Sawir Qaade Si Xun Ula Dhaqantay Muhaajiriin

Hargeysa,10sep,2015(QJ/SDN)-Muuq baahiyaha N1TV ayaa xaqiijiyay in uu shaqadii ka joojiyay haweenay sawirqaade ahayd oo lagu magaacabo Petra Laszlo, ka dib markii ay si xun ula dhaqantay Qaxooti ka cararayay Askarta dalka Hungary.

 ct

Qaxootigan ayaa ka soo cararaayay xadka Hungary la wadaagto waddanka Serbia, iyagoo damacsan inay magangalyo ka helaan wadamada Hodanka ah ee Qaarada Yurub.

 hungery

Muuqaalada la baahiyey ayaa muujinayay gabadhaasi oo Jalaafo u dhigeysa Nin Da’ ah oo xambaarsanaa wiil yar Caruur ah, odaygaasi ayaa dhulka ku dhacay balse askarigii baacsanayay halkiisa uma soo dhaafin Gabadhiina waxay sii wadatey duubitaanka muuqaalka ay ka duubayso qaabka uu u dhacay, waxa kale oo la arkayay iyadoo cagaha la dhacaysa hablo carab ah oo ka mid ahaa Qaxootiga.

 ci

Dhacdadan ayaa sababtay canbaarayn caalamiya taas oo keentay in TV-ga ay ka hawl-galaysay shaqada ka joojiyo.

 

Source: HCTV

Comments are closed