|

Boqoradda Britain oo Noqotay Boqraddii ugu Waqtiga Dheerayd Boqorradii soo Xukumay UK

150909143425_queen_elizabeth_ii_640x360_getty_nocreditLondon,9sep,2015(QJ/SDN)-Boqoradda Dalka Britain, Queen Elizabeth ayaa shacab isku soo baxay oo Sacabatumaya ay kusoo dhaweeyeen Scotland, iyadoo maanta noqotay boqoraddii waqtiga ugu dheer xukunta dalka Britain.

Boqoradda Elizabeth ayaa Gaartay Caasimadda Scotland ee Edinburgh si ay u furto khad cusub oo Tareennada ah.

Waxay kusoo beegmaysaa maalin ay noqotay Boqoraddii ugu xukunka dheerayd taariikhda dalka Britain, iyadoo boqorad ahayd muddo lixdan iyo saddex  sano toddoba bilood iyo laba maalmood ah. Waxaana horay xukunkii boqortooyo ee ugu dheeraa madax u noqotay ayeydeed sadexaad, boqorad Victoria.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Britain, John Major ayaa Sheegay in isaga iyo 11-Ra’iisul Wasaare oo hore ay xilka isku badaleen intii ay xilka haysay, isagoo xusay in boqoraddu ay mar walba ahayd mid si buuxda qayb uga ah Nolosha Britain.

Ugu dambeyn, iyadoo ah Boqortooyo Dastuuri ah, ayay haddana Madax u tahay 15 Dal oo ah Waddamada la isku yiraahdo Barwaaqo-sooranka oo ay ku jiraan Canada iyo Australia.

XIGASHO: BBC SOMALI

 

Comments are closed