|

Isfara Saarkii Maareeyaha Haamaha Iyo Laba Nin Oo Shacbi Ah, Isku Dhufashadii Baabuurta Iyo Xadhigii Xigay

Berbera, , 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Maareeyaha haamaha shidaalka Sh. Saleebaan ayaa xidhay Laba nin oo la sheegay inay isku qabteen arrimo dhinaca dhulka la xidhiidha, taasina ay keentay inay faraha isula tagaan isniintii dorraad.

Maareeyaha haamaha shidaalkaSiday sheegeen xoggo wargeyska Ogaal ka helay illo ku sugan Berbera, waxay isniintii dorraad gaadhiga maareeyaha haamaha oo marayay mid ka mid ah jidadka magaaladda, isku dhaceen gaadhi kale oo la sheegay inay wateen laba nin, isla markaana waxay xogaha qaar tilmaameen in isku dhaca gawaadhida kadib gacantoodu is gaadhay maareeyaha iyo labadaa nin, aakhirkiina la xidhay labadaa nin, kadib markii maareeyuhu dalbaday boolis.
“Baabuurtu waxay u ekaayeen qaar laysku dhuftay, baabuurka kale ayaana lagu dhuftay baabuurka maareeyaha, niman is doonaya oo wax ka dhexeeyaan ayay u muuqdeen.” Sidaa waxa yidhi goobjooge sheegay inuu arkayay markii baabuurtu isku dhacayeen oo Ogaal la hadlay.
Lama sheegin khasaare uu gaystay isku dhacaasi, marka laga reebo diisdiis ka gaadhay labada baabuur dhinicii ay isku dhufteen.

Xoggahaa qaarkood waxay sheegeen in Maareeyaha iyo labada nine ee xidhan uu ka dhexeeyo muran la xidhiidha suuli loo qodayo guri uu dhisanayo maareeyuhu oo ku dhegsan guri ay leeyihiin dhinaca kale, isla markaana uu qoonsimaadku ka dhashay dhulka laga qodayo suuliga oo ka baxsan dhulka guriga maareeyaha, taasna ay ka cawdeen dhanka kale. Xoggo kalena waxay sheegayaan in labada dhinac uu ka dhexeeyo muranka dhul laysku hayo, balse may iftiimin xogguhu nooca dhulka laysku hayo .
Dhanka kale mar uu wargeyska Ogaal la xidhiidhay maareeye Saleebaan si uu wax uga waydiiyo dhacdadaa, muu qabanin telefoonkiisa gacanta.
Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed