|

“Waan kuugu celinayaa Dacwad aannu Ciidanka RRU-da ka gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig…” Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa, 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar labaad beeniyey in Xisbigiisu Dacwad ka dhan ah Ciidammada Booliiska Somaliland qeybta RRU-da u gudbiyey dawladda Ingiriiska, isla markaana raaciyey haddii la hayo caddeynteeda in loo soo bandhigo Saxaafadda.

guddoomiye cirroGuddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo shalay Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id oo uu iskaga difaacayey eedo ay labada Gudoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiilladu u soo jeediyeen, ayaa sidoo kale ka weecday inuu bayaamiyo sababta uu ugu dhaqmi waayey hadal uu dhowaan warbaahinta u sheegay.

Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro weydiiyey inuu dhawaan ka sheegay Warbaahinta in Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ugu soo celiyey Shir-guddoonka Wakiillada go’aankii soo-jeedinta laalista heshiiska Haamaha Shidaalka uu sheegay in jawaabteeda Goleweynaha Wakiillada u taallo, sidaa darteed inuu keligii Madaxweynaha u jawaabo isagoon Golaha iyo Ku-xigeennadiisa ka qaybgelin? Waxa uu ku jawaabay; “Horta, Xeerka iyo go’aanku waa kala laba, waxaan eegnay Dastuurka, lana tashannay La-taliyaha Sharciga, waxaan ku qanacnay inaanay meelna kaga oollin Dastuurka, oo aanu jidaynin in go’aan Gole dib Golaha loogu soo celiyo, aduu (Weriyaha) haddaad heyso intaad Dastuurka ka soo heshid Saxaafadda u sheeg.”

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd sidan:- Hore wareysi aad siisay Wargeyska Himilo waxaad ku beenisay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU-da u gudbiyey Ingiriiska, balse waxa jiritaankeeda xaqiijiyey Safaaradda Ingiriiska mar wax laga weydiiyey, maxaad kaga jawaabi lahayd? Waxaanu yidhi; “Cidda aad wareysatay adigaa yaqaan, waan kuugu celinayaa Dacwad aannu gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig.”

Dhinaca kale, Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey Safaaradda Ingiriiska ee Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo qaabbilsan iskaashiga Ingiriiska iyo Somaliland wadaagaan ayey ku xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilllada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska.

Weriye Maxamuud Walaaleye oo Himilo ka tirsan, ayaa Miss Lizzie Lovett oo ah Sarkaalad u qaabbilsan Somaliland Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa wax ka weydiiyey 28-kii April sannadkan 2015, waxay su’aasha arrintaas ku saabsan ee uu weydiiyey kaga jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”

Comments are closed