|

Dugsiyada Horyaal Primary Oo Maanta Loo Qabtay Xafladdii Furitaanka Sanad-dugsiyeedka Cusub Ee 2015-2016

Hargaysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Dugsiga Hoose Dhexe ee HORYAAL ee Magaalada Hargeysa, ayaa maanta qabsaday Munaasibad uu ku furanayey Sanad-dugsiyeedka 2015-2016-ka ee Dugsigaas, waxana Xafaladaas kasoo qaybgalay Maamulka, Macallimiinta, Waalidiinta, Ardayda, Xildhibaanno, Xubno Xukuumadda katirsan iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

qaadMunaasibaddan, ayaa si qoto dheer maamulka Dugsigaasi ugaga warrameen Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen muddo laba sano ahayd oo uu jirey, waxana ay tilmaameen inay sameeyeen Horumar dhinayo badan ah, isla-markaana ay kor u qaadeen tayada dhinaca Waxbarashada ee Ardayda Dugsigaas wax ka barata.

qaad2Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada Md Muuse Shide oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan sidii ubadka dugsigaas wax ka barta maskaxdooda loo kobcin lahaa, isla-markaana loogu abababin lahaa tacliin hufan oo ay kula tallaabsan karaan Dhiggooda kale, waxana uu intaas ku daray in Dhinaca Dhaqanka Soomaalida soo noolayntiisa lagu dedaalo. Agaasime Muuse Shide waxa uu intaas ku daray inay wasaarad ahaan si weyn ugu kalsoon yihiin Hannaanka Dugsiga Horyaal waxbarashada u bixiyo, isla-markaana ay wada shaqayn dhaw leeyihiin,.

“Dugsigan Horyaal waxa uu xidhiidh fiican la leeyahay wasaaradda Waxbarashada, waxana uu kamid yahay dugsiyada aanu kalsoonidaa badan ku qabno, Waalidiintana waxan leeyahay Dugsigan idinkaa lehe ilaaashada” ayuu yidhi Agaasime Muuse Shide. Macallimad Caaliya Cabdi Doo loo kamid ah Barayaasha Dugsiga Horyaal ka dhigta oo iyaduna Halkaas kaas ka Hadashay, ayaa ku dheeraatay tacliinta Dugsigaas lagu bixiyo, waxana y dardaaran dheer oo dhinaca Tarbiyadda Carruurta ah halkaas uga jeedisay Waalidiintii Halkaas iskugu timi.

qaad3Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa waalidiinta kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii Dugsiga Horyaal loogu raadin lahaa dhul uu isagu leeyahay, waxana uu sheegay in loo baahan yahay sidii Guddi loogu saari lahaa Helitaanka Dhul uu Dugsigu helo, maadaama uu yahay Hanti la wada leeyahay oo gacanta ku haya Ubadkoodii oo agtooda qaali ka ah.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin dheeg oo katirsan Aqalka mudanayaasha Guurtida oo isaguna Munaasibadda furitaanka Sanad-duugsiyeedka 2015-2016-ka Dugsiga Horyaal ka hadlay, ayaa dhankiisa soo jeediyey in gacmaha la isku qabsado sidii Dugsigaasi dhisme loogu raadin lahaa, waxana uu xusay in loo baahan in ganacsatada Dhulka bannaan iska leh looga baahan yahay inay Dugsiga ka kireeyaan si uu saldhig u yeesho, iyaguna ay u helaan Dakhli aanay maanta gacanta ku haynin.

qaad4

Abwaan Muuse Cali-faruur oo katirsan dhaqan yaqaannada ugu waaweyn dhinaca Soomaalida oo halkaas ka Hadlay, ayaa waalidiinta kula dardaarmay inay ubadkooda iyo Dugsiga Horyaal ee gacanta ku hayaba ku xidhnaadaan, isla-markaana ku dedaalaan sidii ay noloshooda dhinaca waxbarashada ah fiiro gaar ah u yeeshaan. Cabdiqaadir Cabdilaahi Caydiid, Maamulaha Guud ee Dugsiyada Horyaal oo halkaasi ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday Marxaladihii kala duwanaa ee Dugsigaasi soo maray, waxana uu tilmaamay muddo kooban oo uu dugsigu jirey ay Horumar ballaadhan sameeyeen.

“Muddo laba sano ah oo Dugsiga Horyaal uu jirey waxa aaanu ku tallaabsanay horumar ballaadhan oo dhinac walba ah, Markii aanu dugsigan aasaasnay waxa aanu ku bilow hal Arday iyo wax aan Dhaamin, sanadkii koowaad waxanu ku guulaysanay inaanu tirade Ardayda Gaadhsiino 300-Arday, Haatan oo aanu sanadkii labaad ku jirnana waxanu gacanta ku haynaa 700-Arday, dedaalkaasna marka ilaahay laga yimaaddo waxan uga mahadnaqayaa Macallimiinta Dugsigan.Waalidkana waxanu leenahay nala shaqeeya oo Ardayda ka warhaya waanu jecellahay inaad ubadkiina aanu idiin hayno aad nagaga warhaysaan hadba halka ay marayaan.” Ayuu yidhi Maamule Cabdiqaadir Cabdilaahi Caydiid.

Ugu dambayntii waxa Halkaa Abaalmarrino lagu Guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay Imtixaankii Sanadkii hore la qaaday, waxana halkaasi waalidiintii joogtay ka rawaxday iyagoo ku faraxsan qaabka Munaasibadaas loosoo agaasimay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed