|

Xildhibaan Siciid Libaaxo Oo Meel Adag Iska Taagay Xeerka Duulista Hawada Iyo Mudanayaasha Oo Si Weyn u Taageeray Soo Jeedintiisa

Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Xeerka Duulista Hawada Somaliland oo dooddiisu ka socota Golahaas, waxana uu soo jeediyey in dib loogu noqdo, isla-markaana lafo-gur dheeri ah lagu sameeyo.

WRXildhibaan Siciid libaaxo oo dood dheer oo mudanayaashu maalintii shalay ka yeesheen Xeerkaas si faahfaahsan uga hadlay, ayaa Mudanayaasha ku dhiirrigeliyey inay Guddi gaar ah u saaraan sidii xeerkaas loogu samayn lahaa dib uhabayn dheeri ah.

Mudane Siciid waxa uu sheegay in Xeerkaasi yahay mid muhiim ah, isla-markaana muhiim u ah qaranka, “mudanayaasha waxan usoo jeedinayaa inay xeer si qoto dheer u lafo guraan oo ay ka saaraan qoddoba badan oo la socda, kuwaas oo aan dani ugu jirin qaranka. Anigu fikir ahaan waxan soo jeedinayaa in loo saaro guddi soo lafo gurta oo kasoo saarta khaladaadka ku jira.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Libaaxo.

Mudane Libaaxo oo hadalkiisa sii wata, ayaa mudanayaasha ku adkeeyey inay fiiro gaar ah siiyaan lafo-gurka xeerkaas, waxana uu yidhi, “Xeerkani waa mid muhiim u ah qaranka oo mustaqbalka dambe dan weyni inoogu jirto, waxana aan dareemayaa oo ka muuqata in Waxyaabo badan oo danta qaranku aanay ku jirin”

Dhammaanba Mudanayaashii shalay dooda ka Galay Xeerkaas, ayaa si weyn u taageeray Soo jeedintii Xildhibaan Siciid Libaaxo, waxana taasi keentay Soo jeedintaasi Golaha saamayn ku yeelato.

Xeerkan uu Xildhibaan Siciid Libaaxo wax ka-beddelkiisa ku dheeraaday, ayaa haatan waxa uu horyaallaa Golaha Guurtida, waxana ugu dambayntii Guddoomiyaha Golahaasi Guddi u saaray Wax-kabedelka xeerkaas oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Wakiilladu.

Kadib markii uu Guddoomiye Cirro dhawaan Go’aan isaga gaar u ah dib ugusoo celiye warqad kaga timi dhinaca Madaweynaha, ayey madaxtooyadu soo diyaarisay qorshe cusub oo ay Arrintaas kagaga takhalusayso.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed