|

Bam La Doonayey In Lagu Weeraro Xarun Ganacsiyeed Caan ah Oo Gacanta u Galay Ciidanka Ammaanka Kenya

Nairobi:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Ciidamada ammaanka gudaha Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku hawllanaayeen Weerarka xarun Ganacsi oo caan ah, waxana lagu hayaa baadhitaanno dheeraad ah.

tigXarunta ganacsiga ee The Garden City Mall oo ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu waaweyn magaalada Nairobi ayaa dadkii ku jirey si degdeg ah loogaga daadgureeyay waxana ay ciidamada Booliska ay kala furfureen bam lagu soo qabtay saddex dhalinyaro ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddexdan ruux uu mid ka mid ah diiday in la baadho hase yeeshee waxaa isku duubay booliska oo ka awood roonaaday.

Afhayeenka Booliska Kenya George Kinoti ayaa u sheegay BBC in saddexda ruux ee la soo qabtay ay dhamaantood ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah, waxana uu sheegay afhayeenku in mid ka mid ah boorsooyin ay wateen laga helay waxyaalaha qarxa.

“Xaaladu hadda waa ay degen tahay ciidamada ammaanka ayaana gacanta ku haya wadanka guud ahaantiis ammaankiisa waa uu sugan yahay,”ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Waxaa la aaminsan yahay in ragan qalabka lagu soo qabtay uu ahaa qalab yar oo qarxi kara kuna xidhan Battari ku sii xidhan mobile kaasoo qarxi kara.

War ka soo baxay xarunta ganacsiga ee Garden City Mall ayaa sheegay in guddoomiyaha Nairobi Evans Kidero uu sheegay in xaruntu ay dib u furmi doonto subaxnimada Arbacada.

Mr Kidero ayaa u mahadceliyay ciidamada Booliska iyo weliba shaqaalaha xarunta ganacsiga sida degdegta ah ay ugaga falceliyeen .

Tan iyo markii ururka Alshabaab uu dad badan ku diley xarunta ganacsiga ee Westgate magaalada Nairobi guud ahaan ammaanka magaalada Nairobi ayaa sare loo qaaday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed