|

Dad Diinta Islaamka uga baxay inay Magangelyo ka helaan waddamada Yurub

Berlin, 08 September,2015(QJ/SDN)-Muslimiinta u haajiraya Qaarada Yurub, ayaa la sheegay inay Safaf ugu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen Kiristaan, si ay sare ugu qaaddo fursadahooda inay magangelyo Qaxoontinnimo uga helaan dalka Jarmalka oo ay illaa 20,000 (labaatan kun) oo Tahriibayaal ahi gaadheen labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Tallaabadan fool-xumada leh oo Boqollaal Muhaajiriin ka soo jeeda waddaada Afqaanistaan iyo Iran ugu beddeleen Diintoodii Kiristaan, ayaa intooda badan Xafladahoodu ka dhaceen Kiniisad ku taal magaalada Berlin.

In badan oo dadkaa ka mid ah, ayaa sheegay in ficilkooda ku yimi aamminsanaanta Kiristaanka, balse go’aamadan, ayaa la sheegayaa shaki la’aan inay u qaateen inuu sare u qaado fursadahooda ku guulaysashada magangelyo qaxoontinimo, maaddaama oo ay waajahi doonaan dil haddii dib loogu celiyo dalalkooda.

Xafladaha loogu qabto Kiniisadda, ayaa la sheegay in Baaddariga Gottfried Martens weydiiyo Qaxoontiga, ma ka baxaysaa Diintaada Islaamka? Oo dadkaasi deg-deg ugu jawaabayaan; ‘Haa!’. Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Zonoobi oo samaynta Duraaxadaha kaga shaqeyn jiray dalka Iran iyo Xaaskiisa Afsaneh, oo markii ay Kiristaan noqotay magaceedii u beddeshay Katrina, ayaa sheegay inay nolol cusub u bilaabantay.

“Xilligan xor baan u nahay noloshayada,” ayey sheegtay Katrina. “Muhiimaddu waa inaan ku faraxsan nahay in Ubadkayagu mustaqbal wanaagsan heli doonaan, oo waxbarasho wanaagsana ka heli doonaan Jarmalka.” ayey hadalkeeda sii raacisay Katrina.

Inaad Kiristaan, tahay keliya kuuma sahlayso ku guulaysashada Qaxootinnimo ayey hore u sheegtay Raysal-wasaaraha Jarmalku  Angela Merkel, isla markaana raacisay, Jarmalku waa hoyga Islaamka.

 

Xigasho; HimiloMedia

Comments are closed