|

Kenya oo Qorsheynaysa inay Weerarto Xoogagga Al-shabaab ee Saldhigyada ka Sameystay Boni

Nairobi,8sep,2015(QJ/SDN)-Saraakiisha Booliiska dalka Kenya ayaa sheegtay inay ku qaadayso weerarro xoogagga Al-shabaab ee saldhigyada ka sameystay Boni oo ah Deegaan Kayn badan oo ku yaalla Xeebta Badweynta Hindiya ee u Dhexeysa Somalia iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Xoogagga Al-shabaab ee Weerarrada ka geysta gudaha dalka Kenya ay saldhigyo ku leeyihiin Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ah deegaan ay Maroodiyaashu ku badan yihiin.

“Waxaanu doonaynaa inaan xaqiijinno dhulkaas kaynta badan, halkaasoo ay ka dhigteen gabbaad dambiilayaal maleegaya inay dhibaateeyaan Shacabka Kenya,” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Is-maamulka Lamu, Frederick Ndambuki.

Al-shabaab oo laga qabsaday deegaanno badan oo Soomaalya ku yaalla kaddib Howlgallo ay wadajir uga sameeyeen Gobollada Koonfureed ee Somalia ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa Weerarro dhowr ah ka Geysanayay tan iyo Xilligaas Deegaannada Xeebaha Kenya ku yaalla. Iyagoo Weerarradaas u Qaadaya in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Somalia.

Saraakiisha booliiska iyo milateriga Kenya ayaa iyaguna sheegay in Al-shabaab ay xarumo Rasmi ah ka sameysteen deegaanka Keymaha badan ee Boni, halkaasoo ay kula nool yihiin Qoysaskooda.

Toddobaadkiihore ayay ahayd markii taliyaha guud ee Booliiska Kenya, Joseph Boinett uu caddeeyay in Boni ay tahay meel khatar ah, ayna ciidamada Kenya ay qaadaan weerarro ay deegaankaas ku is-laaxinayaan. Iyadoo ay ku dhawaaqeen saraakiisha dalka Kenya inay u dirayaan halkaas cutubyo ciidammo ah loo diyaariyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarrko Dhawr ah oo ka dhacay Magaalada Nairobi iyo Deegaanno kale oo Kenya ku yaalla, kuwaas oo uu ku jiro Weerarkii Westgate Mall oo dhacay Sannadkii 2013-kii ayna ku dhinteen 67-qof.

Deegaannada ku yaalla Xeebaha Kenya ayay sidoo kale Al-shabaab Weerarro ka Geystay Dhowr jeer, kuwaasoo ay ku dishay in ka badan 100 Ruux oo Ciidammo iyo Shacab isugu jiray, taasoo keentay in Dalxiisayaashu ay Booqan waayaan Deegaannadaas.

Ugu dambeyn, Dowladda Mareykanka iyo kuwa kale ee Yurub Qaarkood ayaa ku booriya dhowr jeer oo hore in Muwaadiniintoodu aysan booqan Deegaannadaas iyo Qaybo kale oo ka mid ah dalka Kenya.

Xigasho; HOL

QJ/SDN; Nairobi

Comments are closed