|

Afhayeenkii Mid ka mid ah Axsaabta Mucaaradka ah ee Waddanka Burundi oo Toogasho lagu Dilay

Afhayeen_lagu_dilay_Burundi (1)Bujunbura,8ep,2015(QJ/SDN)-Afhayeenkii Xisbiga Mucaaradka ah ee [UDP] oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Waddanka Burundi, Patrice Gahungu ayaa lagu dilay shalay oo Isniin ahayd Bartamaha Xarunta Burundi ee Bujumbura, Sida ay Warbaahinta u Sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska dalkaas.

Patrice Gahungu oo ahaa Afhayeenka xisbiga Union for Peace and Development [UPD] oo kasoo horjeeday Madaxweynaha Dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dabley aan haybtooda la garanayn.

Dilkan ayaa imaanaya iyadoo Bishii May ee Sannadkan lagu Dilay Magaalada Bujumbura Hoggaamiyihii xisbi ka mid ah Mucaaradka dalkaas, Zedi Feruzi, kaasoo aan weli boolisku ogaan cidda dilkiisa ka dambeysay, balse Mucaaradku ay ku eedeeyeen inay Xukuumaddu ka dambeyso.

Xukuumadda Burundi ayaa Horay ugu eedeysay Xisbiyada Mucaaradka Dalkaas in ay ka dambeeyaan Rabshadaha ka taagan dalka Burundi, kuwaasoo billowday markii Nkuruziza oo dhawaan Xilka loo dhaariyay uu Sheegay inuu Doorashada Madaxnimo ee Burundi ka Qayb-galayo markii saddexaad; taasoo mucaaradku ay kasoo horjeesteen.

Sidoo kale, Wariyeyaal ku Sugan Bujumbura ayaa Sheegaya in sidoo kale Isniintii shalay lagu dilay Magaaladaas laba qof oo shacab ah, iyadoo aanay booliisku weli ogaan kooxihii dilkooda ka dambeeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xisbiga UPD uu ka mid yahay Xisbiyada sida Adag uga soo horjeeday in mar saddexaad xilka loo doorto Nkurunziza, uuna ka mid ahaa Asxaabtii abaabay kacdoonnada Bujumbura ka billowday Bishii Abriil ee Sannadkan.

Dhanka kale, tan iyo markii ay billowdeen Mudaaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda caasimadda Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah, iyadoo lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi ayaa sababay in tiro fara badan oo shacabka wadankaas ah ay u qaxaan dalal dariska ah Burundi, kuwaasoo xaalado bani’aadamnimo ay haystaan.

 

Comments are closed