|

Dowladda Sweden Oo Walaac Ka Muujisay Mooshinka Khilaafka Keenay Ee Muqdisho

Muqdisho,8sep,2015(QJ/SDN)-Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Makail Lindval ayaa walaac ka muujiyay xaalada iyo wajiga cusub ee uu abuuray mooshinka laga keenay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo aan ilaa iyo hada la dajin.

Gud-Jawaar-iyo-Danjire-Lindval

Walaaca Sweden ee mooshinkaasi ayaa yimi ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari aqalkiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Makail Lindval, kaasoo usoo gudbiyay dareenka ay dowladiisu ka qabto waxyaabaha ka dhalan kara haddii uu sii socda khilaafka Mooshinka madaxweyne Xasan Shiikh laga keenay, wuxuu codsaday in si deg deg ah arintaan loo xaliyo, maadama Soomaaliya 2016 lagu wado in ka qabsoonto doorasho madaxwayne oo Baarlamaan ku salaysan.

Jawaari ayaa soo dhaweeyay sida Sweden u muujisay dareenkeeda ah in ay ka welwelsan tahay mooshinkaasi oo xildhibaano kale oo diiday qoraal kasoo saareen, Gudoomiyaha ayaa sheegay in dalku uu lee yahay Nidaam iyo dastuur isla markasna wixii sharci la xariira Dastuurta dalka uu kala saarayo.

Xildhibanaada Mooshinka ka keenay madaxwaynaha Dalka ayaa weli ku andacoonaya in Xasan Shiikh Maxamuud ku fashilmay balan-qaadkiisii sidaasi darteedna uu ku haboon yahay inuu xilka ka dego, weli xal looma helin dooda ku saabsan arrintasi.

Beesha Caalamka ayaa horay u sheegtay in waqtigii loogu talo galay doorashada madaxtinimadda Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talo galay ayna jiri doonin wax mudo kororsi ah oo loo sameeyo madaxwaynaha iyo gollaha Baarlamaanka.

 Xigasho: Puntlandtoday

QJ/SDN: Muqdisho

Comments are closed