War Deg Deg ah: Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Wakiiladda Dib ugu Celiyay Go’aankii ay ku Laaleen Wareejinta Haamaha Shiidaalka {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta dib ugu celiyey golaha Wakiiladda go’aankii ay ku laaleen Wareejinta Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaalada Berbera.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Mudane Cali Xaamud Jibriil oo Goor dhawayd Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa faahfaahin ka bixiyay asbaabaha ay Xukuumadu dib ugu celisay golaha wakiiladda go’aankan, waxaanu Sharci daro ku tilmaamay go’aankii ay Wakiiladdu ku laaleen in la Wareejiyo Maamulka Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO SIDA AY XUKUUMADU U CELISAY QARAARKII WAKIILADDA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaXidhiidhka02.mp3″]