Dowladda Mareykanka oo ciidamo u direysa Magaalada Muqdisho
Muqdisho,2sep,20159QJ/SDN)-Taliyaha ciidamada booliska Metro Transit ee magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota ‘John Harrington’ ayaa ka warbixiyey safar uu dhawaan ku yimid dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Sarkaalkan,in Somaaliya ay heysato ciidamo dhiiran oo geesiyaal ah,intaa raaciyay in dalka Soomaaliya uu leeyahay ciidan ku filan haddii ay helaan tababar, dhisme, dhaqalae iyo qalab casri ah,kaasoo la mid ah kan ay isticmaalaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, wuxuuna tilmaamay inuu la dhacay firfircoonida ciidamada booliska Soomaaliya.
“Muqdisho waa magaalo aad u qurxoon, leh xeeb iyo bad qurux badan, waxay yeelan kartaa faras magaalo aad u weyn oo cajiib ah, waxayna marin u noqon kartaa dalxiiseyaal badan haddii ay hesho dib u dhis iyo dib u habeyn, fikirkii aan ka heystayna wax badan ayaa iska beddelay, waayo waxaa ka socota shaqo baaxad weyn oo ku saabsan dhinaca ammaanka, taas oo ay ku howlanyihiin ciidanka booliska Soomaaliya” ayuu yidhi taliye Harrington oo ka hadlayey xaflad lagu guddoonsiinayey abaalmarin.
Taliyaha ayaa aad u ammaanay saraakiisha Ciidanka Police-ka Soomaaliya,isagoo sharraxaad ka bixiyay hawsha adag ee ay hayaan iyo tababarka,xannaanada iyo daryeelka Ciidankooda.
Mr;John Harrington ayaa sheegay in Muqdisho iyo Minnesota ay is dhaafsan doonaan ciidamo boolis ah, kuwaas oo kala faa’iideysan doona aqoonta ciidan iyo khibradaha kala duwan, wuxuuna ballan qaaday inay ciidamo boolis ah u soo diri doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb qaataan hawlgallada ammaanka caasimadda lagu xaqiijinayo.